Awoodda Milatari Ee Maamulka Tigray Inteey Gaadhsiisantahay?

0
287

Gobalka Tigreyga ee dalka Itoobiya waxaa ku dagaallamaya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo kuwo ka amar qaata xisbiga TPLF ee xukuma gobalka Tigray.

Dagaalka ayaa socdo in ka badan laba toddobaad iyadoo ciidamada Tigraygu ay gantaallo ku garaaceen caasimadda deegaanka Amxaarada ee Bahir daar iyo magaalada Gonder .

Sidoo kale Ciidamada Tigrayga ayaa gantaallo ku garaacay caasimadda Eretariya ee Asmara, sida uu xaqiijiyay hoggaamiyaha gobolka Tigray ee dalka Ethiopia Debretsion Gebremichael.

Awoodda Milatari ee maamulka Tigray intey gaarsiisantahay?

Inkasta oo dadka wax falanqeeya ay sheegayaan in mamaulka Tigray uusan haysan awood Millatari oo gaar ah haddana waxaa la sheegayaa in ciidamadii Millatarigu ay dhawaan weerareen ciidamada mamaulkaasi intii ay laayeen mooyaane intii kale ay mamaulkaas raaceen taas oo ka dhigan in hubkii ciidamadaasi ay wateen uu gacanta u galay ciidamada mamaulka Tigrayga.

Ciidamada gaarka ah ee Tigreyga

Balse waxaa la qiyaasayaa in celcelis ahaan uu maamulka Tigray haysan karo ilaa laba boqol oo kun oo ciidan marka la isku daro Millatariga booliska iyo meleshiyaad hubeysan oo deegaanka ah.

“Waxey ka koobantahay awoodooda Millatariga Ciidankii Milatariga ee maalintii dhawed ay weeraren intii iyaga ka raacday maadaama ciidankaasi ciidan badan oo hub badan haysta ahaa marka ciidankii ay laayen mooyee ciidankii kale ee iyaga xagooda ahaa iyo wixii ay isku jaf-jafteen ilaa 20 kun oo Millatari ah iyo 100 kun oo boolis ah iyo meleshiyo hubeysan oo deegaanadooda ah intaas oo haddii la isku celceliyo ilaa laba boqol oo kun ayay haysan karaan Tigreygu wakhtigaan,” ayuu yiri Jeneraal Doolaal Xalxaal oo khabiir Millatari oo BBC-da la hadlay.

Jeneraal Doolaal ayaa aaminsan in dagaalka hadda ka socda gobalka uusan aheyn dagaal rasmi ah maadama dagaalkaas uu u dhaxeeyo oo kaliya ciidamada Millatariga federaalka ee fadhigoodu yahay gobalkaas iyo kuwa maamulka ee xuduuda jooga taasi oo meesha ka saareysa in hadda la saadaaliyo awoodaha dhinacyada dagaalamaya.

“Ciidamada Itoobiya ee federaalka guudahaan meelo kala duwan ayay ka imaanayeen ciidamadii hadda uunbey aagii gaareen hadda uunbey saldhigyadii dagaalka ka geli lahaayen degeen wixii hadda ka dambeeya ayaa la qiyaasi karaa awodda Millatari ee dowladda federaalku kula dagaalameyso ciidankaa,” waxaa sidaasi yiri Jeneraal Doolaal.

Dadka arrimahaan aadka ula socda ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalkana gobalka ka qarxay uu ku bilowday qaab qorsho la’aan ah taas oo keentay in dowladdu ay cidamo ka soo saarto saldhigyo kala duwan oo ku yaalla deegaano kala gedisan oo ka mid ah dalka.

Muxuu yahay Hubka ay haystaan Ciidamada Tigraygu?

Maadaama ay ciidamadu Tigraygu awood u yeesheen in ay gantaallo ku garaacaan magaalooyin iyo garoomo diyaaradeed oo ku yaalla gudaha Itoobiya iyo dalka ay dersika yihiin ee Eretariya, ayaa arrintaasi waxaa ay keentay in wax la iska waydiiyo hubka uu hyasto mamaulka gobalkaas iyo halka uu kaga yimid.

Khabiir Millatari Jeneraal Doolaal oo BBC-du waydiisay Hubka uu haysto maamulka Tigraygu ayaa sheegay in uusan jirin hub meel kale uga yimid ee hubka ay ku dagaallamayaan uu yahay hub horey u yiilay gobalka isla markaana Millatariga mamaulkaas raacsan ay hasten kaas oo markii hore loogu tala galay in lagula dagaallamo dowladda Eretariya oo mar xiisad dagaal kala dhaxeeysay Itoobiya.

“Gobalkaa hubka yaalley sedax meelood marka loo qaybiyo ciidanka Itoobiya hubkiisii oo dhanbaa yaalley,” ayuu hadalkiisa raaciyay Jeneraal Doolaal.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed

Maxaa keenay in uu awood adeegsado Abiy Axmed?

Dowladda dhexe ayaa ku eedeeysay xisbiga TPLF ee ka taliyo gobolka Tigrayga in uu wado tallaabooyinka ka dhan ah ciidamada militariga ee fariisimaha ku leh gobalkaas.

Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay Abiy, wuxuu ku sheegay in lagu guuleystay howlgalka militari ee lagu qaaday gobolka Tigrayga, isla markaana uu sii socon doono howlgalkaas.

Warka uu soo saaray Rai’sul wasaare Abiy Axmed wuxuu sheegay: “in khadka cas laga tallaabay, islamarkana si dadka iyo dalka loo badbaadiyo uu khiyaarka ugu dambeeyo noqday in awood loo adeeegsado TPLF”.

Inkastoo oo muddaba la saadaalinayay in dowladdu aaney adeegsan doonin awood militari haddana muddooyinkii la soo dhaafay wararka ay labada dhinac isku marinayeen hawada ayaa laga dheehan karay in dagaal dhici karo, iyadoo ugu dambeyn la sheegayo in xoogaga TPLF ay bilaabeen dagaalka oo ay weeraren xarun ciidan oo ku taalla gobalkaas

Dagaalka ka socda gobalka Tigrey ayaa walaac xoogan laga muujinayaa haddii uu sii socda waxaana la rumeysanyahay in uu samaeyn balaaran ku yeelan doono gobalka,iyadoo hadda dad badan oo naftooda kala baxsanaya dirita ay gaareen dalka Suudaan xili dunida uu saameyn ba’an ku yeeshay fayraska karoona.

Waxaa jira baaqyo caalami ah oo loo jeedinayo dhinacyada dagaalamaya oo ah in ay joojiyaan dagaalka isla markaana wax walba wadahadal ku dhameeyaan ayna u turaan dadka rayadka ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here