Rai’sul Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo ‘Digniin’ Kama Dambeys Ah Bixiyay

0
247

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegaya in howlgalka militari ee ka dhanka ah gobolka Wuqooyi ee Tigrey uu galay “Wajigii ugu dambeeyay”.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in saddexdii maalmod ee kama dambeysta ahayd ee loo qabtay xoogagga tigrey inay isku soo dhiibaan uu imika dhamaaday.

Dhanak kale dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in hormaro ay ka sameysay dagaalka ka socda gobolka Tigrey, islamarkana ay ku sii jeedaan caasimada gobolka Tigrey ee, Mekelle.

Xoogagga Tigrey ayaa waxay dhankooda sheegeen inay ciidamada dowoladda iska caabiyeen magaalada lagu magacaabo, Alamata.

Boqollaal qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen muddadii labada toddobaad ahayd ee uu dagaalku socday.

Waxaa sidoo kale dagaalkan ku baarakacay ugu yaraan 27,000 qof.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in “xaalad bina’aadanimo oo ballaaran” ay soo fool leedahay.

Waxaa aad u adag in warar sax ah laga helo gobolka Tigray maadaama khadadka taleefoonada iyo Internet-ka ay go’an yihiin.

Dagaalka ayaa bilaabmay 4 November ka dib markii ay dowladda dhexe sheegtay in xogagga Tigrey ay weerareen saldhig milatari, islamarkana ay ciidamada dowladda howlgalo bilaabeen.

Xisbiga TPLF ayaa u arka dowladda mid sharci daro ah, iyaga oo ku dooday in Mr Abiy uu ka dhamaaday muddada xileedkii loogu tala galay ka dib markii uu dib u dhigay doorashada sababo la xiriira feyriska Corona.

.

Dagaalka ma soo afjarmayaa?

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay, Mr Abiy waxaa uu ku sheegay in howlgalka ciidamada fedaraalka uu gabagabo ku dhaw yahay.

“Qeybihii ugu dambeeyay ee howlgalka ciidamada xoojinaya sharciga ayaa la soo afjari doonaa maalmaha soo socda,” ayuu yiri rai’sul wasaaraha.

Waxaa uu u mahadceliyay dagaalyahanada TPLF ee ka faai’deystay fursadda waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay oo isa soo dhiibay, balse ma uusan sheegin tiradooda.

Mr Abiy ayaa intaa ku daray in dowladiisa “ay diyaar u tahay in dadka Itoobiyaanka ee dalka ka qaxaya ay qaabisho islamarkana ay dadkooda dib ula midoobaan”.

Dhanka kale, la taliyaha TPLF Fesseha Tessema, oo horey u ahaa dublamaasi ayaa BBC u sheeegay in ciidamada fedaraalka ay duqeeyeen goobaha dadka rayidka ah ee magaalada, Mekelle,.

“Dadka reer Tigrey wax qalad ah ma aysan sameyn Tigray, guriyahooda iyo kaniisadahooda ayay iska joogaan,” ayuu yiri Mr Fesseha.

Dowladda fedaraalka ayaa beenisay inay bartilmaameedsatay dad rayida ah islamarkana duqeymaha lala bartilmaameedsaday xoogagga Tigrey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here