Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Soomalia Oo Lagu Qarxiyey Duleedka Muqdisho

0
484

Wararka naga soo gaaray wadada xiriirisa  dheer ee Muqdisho & Afgooye ayaa sheegaya in goor dhow qarax xoogan uu ka dhacay deegaanka Lafoole ee ku yaalla duleedka caasimada, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ku sugnaa maqaaxi ku taalla halka loo yaqaano Shanta Golaha Sare ee deegaankaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay oo isugu jira shacab iyo askar.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ah ka fuliso wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here