Culimada Sacuudiga Maxay Argagixiso Ugu Tilmaameen Ikhwaanul Muslimiin?

0
231

Muranka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Ikhwaanul Muslimiinta ma ahan mid cusub, balse fatwo ay soo saartay Hay’adda culumada Sacuudiga ayaa dib u soo cusbooneysiisay arrintaa, waxayna hadal hayn wayn ka dhex dhalisay baraha bulshada.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Sacuudiga, Abdul Latif Al Al-Sheekh, wuxuu ku baaqay in khudbadaha jimcaha ee dalka Sacuudiga looga hadlo arrinta fatwada hay’adda culumada oo Ikwaanul Muslimiinta ku tilmaamay “urur argagixiso.”

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Ka bood Twitter boggan, 2

Dhammaadka Twitter boggan, 2

Arbacadii la soo dhaafay ee isbuucii hore, hay’adda culumada sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ikhwaanul Muslimiinta ay yihiin “urur argagixiso oo aan matalin Islaamka”, iyagoo intaa ku daray “in ururka ay raacaan hadafkooda xisbiga ahaan ee khilaafsan shareecada Islaamka.”

Hay’adaha arrimaha Diinta ee Sacuudiga ayaa sannadkii 2017 ka digtay waxay ugu yeereen “hab dhaqanka jameecad ee ah qaabka ay u wajahaan una burburiyaan dowladaha.”

Balse waxaa hadda cusub waa bayaanka hay’adda culumada Sacuudiga oo Ikhwaanka ku tilmaamtay in ay yihiin “urur argagixiso oo aan matalin Islaamka.”

Jawaabta ay ka bixiyeen Ikhwaanka

Ururka Ikhwaanul Muslimiinta oo dhankooda arrintan ka jawaabay waxay beeniyeen “eedeynta ay soo jeediyeen culumada Sacuudiga”.

Waxaa ay intaa ku dareen: “ururku wuxuu gebi ahaanba ka fogyahay rabshad iyo argagixiso, wuxuuna mar walba dhibane u yahay rabshado iyo argagax galin ay kula kaceen dowladaha kaligood-taliska ah”.

Ka bood Twitter boggan, 3

Dhammaadka Twitter boggan, 3

Jawaabaha kala duwan ee laga bixiyay

Qoraalka Twitter-ka ee wasiirka Awqaafda iyo arrimaha Diinta iyo bayaanka golaha Culumada Sacuudiga, waxaa ka dhashay jawaabo kala duwan oo ay ka bixieen bulshada isticmaasha barta Twitter-ka.

Dadka fikradaha ka dhiibtay barta Twitter–ka waxay ku kala qeybsameen bayaanka ka soo baxay hay’adda culumada Sacuudiga. Qaar ayaa taageeray kuwana way diideen.

Waxaa bilowday dhowr astaan ama Hash-taag oo ay ugu waynayd, Culumo waawayn oo dambiilayaal ka dhigaya Ikhwaanka.

Dadka doodda qeybta ka ahaa waxaa ka mid ahaa qaar ka mid ah Culumada iyo dad caan ka ah dalka Sacuudiga.

Dadka taageersan hadalka wasiirka waxay sheegeen in la joogo xilligii la soo afjari lahaa halista ururka Ikhwaanka, oo ay sheegeen in fikirka ay rumeysan yihiin “uu sababay fiditaanka fikradaha xagjirnimada iyo in ay carqalad ku noqdeen qorshayaasha Diinta lagu xoojinayo.”

Ka bood Twitter boggan, 4

Dhammaadka Twitter boggan, 4

Dadka fikradaha ka dhiibanayay arrintan waxay qaarkood dhaliilayaan Culumada ku baaqayay in loo hoggaansamo bayaanka Culumada Sacuudiga.

Qaar kale oo ka mid ah dadka isticmaala twitter-ka iyo saxafiyiin ka soo jeeda dalalka Khaliijka, waxay ku baaqayeen in la abaabulo “kulamo dhalinyarada lagu barayo siyaasadda ururka loogana difaacayo fikradaha Ikhwaanka ,” sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale dadka u ololeeya Ikhwaanul Muslimiinta waxay cambaareeyeen wasiirka dowladda Sacuudiga.

Waxay taageerayaasha Ikhwaanka sheegeen “in halkii wasiirka uu diiradda saari lahaa arrimaha mudnaanta u leh dadka Sacuudiga, uu ku meereysanayo in la jeediyo hadallo ka dhan ah Ikhwaanka.”

Qaar kale waxay soo qaateen culumo waawayn oo horey u taageeri jiray Ikhwaanul Muslimiin, sida Sheekh Cabdi Casiis Ibnu Baaz iyo Binu Jibreen.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo dadka isticmaala barta Twitter-ka ayaa bayaanka Culumada Sacuudiga ku tilmaamay inuu yahay mid “dhan u janjeera”, waxayna yidhaahdeen: “Haddii hoggaanka boqortooyada ee hadda jira ay meesha ka baxaan in isla hay’adda culumada ay ammaani lahaayeen kooxaha xiriirka dhaw la leh xukuumadda Sacuudiga.”

Ka bood Twitter boggan, 5

Dhammaadka Twitter boggan, 5

Maxaa xilligan ku soo beegay arrintan?

Xukuumadda Sacuudiga sharaxaad kama aysan bixin sababta xilligan ku soo beegay bayaanka, balse waxa uu ku soo aadayaa toddobaadyo uun ka dib markii boqortooyada ay ku dhawaaqday isbadalo.

Balse dadka faaqiday arrimaha Carabta ayaa ku tilmaamay bayaanka hay’adda culumada Sacuudiga “Fatwo siyaasadeed oo ku qotonta isbadallada gobolka iyo mid heer caalami, gaar ahaan markii Joe Biden uu ku guuleystay doorashadii Mareykanka.”

Biden ayaa ballanqaaday in uu dib u eegis ku sameyn doono xiriirka Sacuudiga, wuxuuna cambaareeyay “in Trump uu iska indha tiray xadgudubyada gudaha Sacuudiga ka dhaca.”

Ka bood Twitter boggan, 7

Dhammaadka Twitter boggan, 7

Qaar ka mid ah dadka wax falanqeeya ayaa Fatwada Culumada Sacuudiga ku tilmaamay in ay tahay mid jawaab u ah “sida ay taageerayaasha Ikhwaanka ugu riyaaqeen guushii Biden iyo in arrintan ay saamayn xun ku yeelanayso xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka,” Sida ay hadalka u dhigeen.

Ka bood Twitter boggan, 8

Dhammaadka Twitter boggan, 8

Qoraayada Sacuudiga ayaa dhankooda Fatwada Culumada ku tilmaamay in ay tahay “mid fariin cad u diraysa dalalka Yurub, taas oo ah in Ikhwaanka aysan matalin Islaamka, ayna halista ku yihiin Yurub”.

Bishii March 2018, Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxammed bin Salman, ayaa ku tilmaamay ururka Ikhwaanul Muslimiinta “in ay hoy u yihiin argagixisada” wuxuuna weerar afka ah uu xilligaas ku qaaday ururka.

Maxamed Bin Salmaan ayaa balanqaaday “in xubnaha ururka uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga caribtiri doono” hannaanka waxbarshada sacuudiga.

 

Dhammaadka Twitter boggan, 9

 

جمعة اليوم تاريخية في حقبة استثنائية.. فيها اُجهض مشروع تنظيم الإخوان الإرهابي ، وصدح فيها تجريم تلك الجماعة التي قاتلت لعقودٍ طويلة لإعلاء رايتها الباطلة وتحقيق أهدافها الدنيوية.

شكراً محمد بن سلمان ..هذا هو الإسلام الحقيقي والنهج النبوي.#كبار_العلماء_تجرم_الاخوان pic.twitter.com/tNS3wXDq5i

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here