Haweeney Kooma Ugu Jirta Covid-19 Oo Mataano Dhashay

0
273

Haweeney ilmo mataano ah dhashay xilli ay ku jirtay xaalad miyir-daboolan ah cudurka Covoid-19 awgii, ayaa sheegtay inay rumaysan wayday inay dhashay ilmahaas.

Ilmaha ayay ku dhashay qaab qalliin ah, xilli uurkeedu ahaa 26 todobaad. Sochika Palmer ayaa ku dhalatay miisaan 770 garam ah, halka walaalkeed Osinachi Pascal uu ku dhashay miisaan 850 garam ah.

Haweeneyda oo lagu magacaabo Uke ayaa 16 beri oo dheeraad ah ku jirtay koomada cisbitaal ku yaal magaalada Birmingham ee Ingiriiska.

“Aad ayaan u walaacsanaa, maalin kasta waxaan ku ducaysan jiray in xaaskeyga aanay kamid noqon dadka u dhimanaya cudurka,” ayuu yiri Matthew oo ah ilmaha aabahood.

“Waxaan nahay koox isku xiran, marka in ay naga baxdo hooyada ayaa ahaan lahayd arin culays badan nagu keeni kartay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Markii ay Uke ka soo naaxday koomada ayaa waxa ay sheegtay inay isku aragtay wareer badan iyo inay fahmi weydo waxa socday.

Hooyadan afarta carruurta ah dhashay ayaa sheegtay inay aad ugu faraxday ka soo bixidda koomada, balse ay aamini weyday markii ay hawlwadeennada cisbitaalka u sheegeen inay dhashay mataanaha.

“Markii ay i tuseen sawirrada carruurta, waxay ahaayeen kuwo aad u miisaan yar oo aan xitaa bani’aadan u muuqan. Waan rumaysan waayay inaan anigu dhalay ilmahaas,” ayay tiri.

Mataano

Mataanaha ayaa cisbitalka laga bixiyay kadib 116 maalmood oo ay ku jireen, caafimaadkoodana waa mid soo hagaagaya, sida ay sheegtay Uke.

“Ma dooneyn inay dhibaatadan oo dhan maraan xilli ay noolasha u hor leedahay. Hooyadood ma aanay arki karin muddo laba todobaad ah, balse arinta muhiimka ayaa ah in hadda ay xaaladoodu soo hagaagayso,” ayay sheegtay Uke.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here