Mujaahid Xasan Ciise Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Cumar Carte Qaalib, Dr. Aadan Yuusuf Abokor Iyo Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle (Suldaan Indha-Case).

0
351

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac ayaa dhambaal tacsi ah u diray waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland garaadada ee ay ka baxeen Alle ha u naxariiste marxuumiinta kala ah Cumar Carte Qaalib, Dr. Aadan Yuusuf Abokor iyo Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle (Suldaan Indha-case).

Xasan Ciise Jaamac Madaxweyne xigeenkii ugu horreeyey ee ay Somaliland yeelato ayaa waxa uu marxuumiintan ku sifeeyey tiirar muhiima ahaa oo ka baxay qaranka Somaliland, iyaga oo kaalin muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana mid ahaa aas-aasayaashii seeska u dhigay ururada bulshada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here