Goormuu diyaar Noqonayaa Tallaal La Isku Halleyn Karo Ee Faayraska Corona?

0
483

Waxaa isasoo taraya warar farxad leh oo ku saabsan tallaalka faayraska corona, iyada oo tijaabooyin lagu guuleystayna durbadiba la shaaciyey.

Balse waxaa isweydiin leh tallaaka ugu wanaagsan kan uu yahay iyo sida uuu shaqeynayo?

Tallaal maxaan ugu baahanahay?

Dadka dunida ku nool badankood ayaa weli u nugul faayraska corona. Inkasta oo xayiraadaha dhawaan la soo rogay ay yihiin kuwa looga hortagayo dad badan iney cudurka u dhintaan.

Tallaalka wuxuu jirkeenna barayaa sida uu isaga difaaci karo faayraska corona, isla-markaana uu u joojin karo inuu qofka cudurka uu ku dhaco, ama ugu yaraan dhimashada cudurka uu sababo ay hoos u dhacdo.

Qaadashada tallaal ay wehliso daweyn waa waddada ugu wanaagsan oo “cudurka looga badbaadi karo”.

Tallaalka shirkadaha Pfizer/BioNtech

Warka ugu weyn wuxuu soo baxay shirkadaha Pfizer/BioNtech marki ay shaaciyeen natiijada tijaabadoodi ugu horreysay ka soo baxday.

  • Waxay natiijada muujisay in ka badan 90% tallaaka la tijaabiyey inuu ka hortagayo qofka iney ka muuqdaan astaamaha Covid-19
  • UK oo keli ah dabayaaqada sanadkan waxay dalbatay 10 million oo ka mid ah tallaalkaasi
  • Tallalkanna waxaa loo qaataa laba xidhmo oo dhammeystiran oo ay midkiba seddex toddobaad u dhaxeyso
  • Dad ka badan 43,000 ayaa tallaalka la siiyey iyada oo aan la eegin badqabka tallaalkaasi uu leeyahay

Tallaalkan ay soo saareen shirkadaha Pfizer/BioNtech wuxuu u baahan yahay in lagu keydiyo qabow gaaraya -70C oo cabbirka heer kulka ah, laguna qaado gaari tallaagad leh oo baraf qallalan sido isla-markaana GPS lagula socdo.

Tallaalkan oo noociisu yahay mid cusub oo loo yaqaanno RNA, waxaa loo isticmaalay xaddi aad u yar oo ka mid ah hidda sidaha faayraska. Habkan cusub uu tallaalkan u dhisan yahay ayaa ah mid jirka ka caawineyso faayraska marka uu billowga horaba uu faayraska jirka soo galo inuu la dagaallamo sidaana uu uga hortago cudurka inuu jirka ku sii baaqi ahaado.

Tallaalka RNA weli looma ansixinin in dadka loo isticmaalo, balse waxaa horay looga isticmaali jiray dadka dawooyinka heer tijaaba maraya lagu tijaabiyo.

Tallaalka Moderna

Tallaalka Moderna waxaa loo sameeyey si la mid ah waddadi loo maray tallalka shirkadda Pfizer.

  • Shirkadda sameysay waxay sheegtay 94.5% inuu tallaalkan uu cudurka dadka ka difaacayo
  • UK xilliga guga waxay heli doontaa shan malyan oo tallaalkaasi ka mid ah
  • Qofka waxaa la siinayaa laba qayb oo dawada ka mid ah oo ay afar toddobaad u dhaxeyso
  • 30,000 oo qof ayaa tijaabada tallaalkan ka qayb qaatay halka kala bar dadkaasi tallaal ahaan u qaateen barka soo harayna irbad ahaan loo siiyey

Balse tallaalkan Moderna wuxuu kaga duwan yahay kii hore oo ay labada shirkadood soo saareen haddii u helo qabow gaaraya -20C ilaa lix bilood inuu ooli karo.

Jaamacadda Oxford/Tallaalka AstraZeneca

Tijaabada tallaalka ay sameysay Jaamacadda Oxford ayaa lagu ogaaday inuu difaac adag uu usameeyo dadka da’da ah ee lagu tijaabiyey.

  • Laba toddobaad marki ay ka soo wareegtay dadka lagu tijaabiyey marki ay tallaalkaasi qaateen waxaa la ogaaday 99% iney cudurka ka gaashaanteen
  • UK waxay dalbatay 100 milyan oo tallaalkaasi ka mid ah
  • Tallaalkana waxaa qofka loo siinayaa laba xidhmo
  • Tijaabadana weli waa mid socota

Tallaalkan wuxuu seddexdi tallaal ee hore uu kaga duwan yahay, ayaa ah inuusan u bahneen in lagu keydiyo cimilo aad u qaboow.

Maxay yihiin tallaalada kale ee la soo saarayo?

Natiijada tijaabooyinka tallaallada kale lagu sameeyey ayaa la filayaa in toddobaadyada soo socda la shaaciyo.

  • Tallaalka Sputnik V oo uu Ruushku sameeyey wuxuu u shaqeeyaa si la mid ah tallaaka ay sameysay Jaamacadda Oxford, waxaana la sheegay 92% in tallaalkaasii tijaabadiisa lagu guuleystay
  • Tijaabada Janssen dalka UK oo keli ah waxaa laga qayb geliyey 6,000 oo qof, heer caalamina 30,000 oo qof oo tabarrucayaal ah
  • Machadka Wuhan ee Shiinaha soo saara waxyaaba Bilogy la xiriira iyo shirkadda Sinopharm iyo Machadka Cilmibaadhista Gamaleya ee laga leeyahay Ruushka waxay wadaan tijaabooyin gabagabo maraya.

Inkasta oo tijaabada tallaalka ay sameysay shirkadda Shiinaha ee Sinovac oo ka socday dalka Brazil tijaabadiisa la joojiyey kaddib marki ay dhaceen dhowr kiis oo dhimasha ah oo uu tallaalka ku keenay tabarrucayaal tallalka lagu tijaabiyey.

Tallaalka yaa marka hore heli doona?

Taasi waxay ku xirantahay halka uu Covid-19 sida aadka ah uu ugu faafo, tallaaka diyaarka noqonaya iyo bulshooyinka uu cudurka sida aadka ah uu u haleelay.

Dalka UK goobaha loo saadaaliyey iney noqon karaan kuwa ahmiyadda ugu horreeyo la siiyo ayaa lagu sheegay xaruumaha dadka waayeelka ah lagu xannaaneeyo oo dalkaasi ku yaalla, waxaana ku xigi doona xirfadlayaasha caafimaadka iyo dadka ay da’doodu tahay 80 jirrada.

Khatarta ilaa iyo hadda ugu weyn ee Covid-19 waa da’da.

Maxay yihiin waxyaabaha loo baahan yahay in la qabto?

  • Tijaabooyinka socda oo la ogaado tallaaka inuusan wax dhib ah keeneyn uu badqabo
  • In la helo shirkado iyo warshado waaweyn oo caalamka ka haqabtiri kara baahida tallaalka loo qabo si fuduna dunida loo gaarsiiyo
  • Hay’adaha u xilsaaran oo tijaabooyinka la sameyey ansixiya inta aan tallaalkaasi isticmaalkiisa la billaabin ka hor
  • Cilmi baarayaasha weli waxay u baahan yihiin iney ogaadaan difaaca ay tallaalada sameeynayaan inta ay gaarasiisan tahay.

Waxaa la sheegayaa in 60-70% dadka dunida ku nool ay tahay inay yeeshaan difaac si fudud uga hortagi kara inuu cudurka balaayiin qof uu ku faafo, xattaa haddii uu tallaalku si wanaagsan uu u shaqeeyo.

Tallaalka qof walba cudurka ma ka difaacayaa?

Dadku marka ay tallalka qaataan difaaca jirkooda siyaaba kala duwan ayuu u saameeyaa.

Balse tijaabooyin horay loo sameeyey iyo taariikhda soo jireenka ee dhanka tijaabooyinka dawadaba waxaa lagu ogaaday tallaalka dadka da’da ah la siiyo inuu sidi la rabay u shaqeynin maadaamaa awoodda difaaca jirka qofka da’da ah ay da’diisu daciifisay. Balse cilmi baarayaashu waxay xaqiijiyeen arrintan iney dhib ku ahayn tallaallada haatan la tijaabiyey ee Faayrasaka Corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here