Magaalo Bandaw U Gashay Been Uu Qof Sheegay

0
394

Koonfurta Australia ayaa go’aansatay in ay gasho bandaw gobolka oo dhan ah iyada oo loo cuskanayo been uu sheegay nin sheegay in uu qabo Covid-19 oo xidhiidh la yeeshay makhaayad gadda Pizza, sida ay boolisku tabiyeen.

Bandawgan ayaa billaabmay Arbacadii ka dib markii dawladdu ogaatay kiisas gaadhaya 36, oo ay ku jiraan kiisaskii ugu horreeyay ee laga helo gudaha tan iyo bishii Abriil.

Laakiin tan waa laga hortagi lahaa haddii ninku runta sheegi lahaa, ayay sheegeen masuuliyiintu.

Wuxuu sheegay inuu kaliya u aaday halkaas inuu ka soo iibsado Pizza.

Xogtan khaldan waxay ku kalliftay saraakiisha caafimaadka inay u maleeyaan inuu ninku qabay xilligaas fayraska.

Australiya waxay ku tiirsaneyd bandawga, baadhitaanka baahsan iyo raadinta xidhiidhka dadka si loogu riixo infekshinka maalinlaha ah in ay ku dhawaadaan eber.

“Waxaan gabi ahaanba ku tiirsannahay ficilaadka shakhsiyaadka, waxaana si taxaddar leh u eegeynaa cawaaqibka ay yeelan doonaan,” ayuu raaciyay Mr Marshall.

Laakiin taasi kuma jiri doonto tallaabada booliska ee ninkaas maxaa yeelay ma jirin “ciqaab la xiriirta been sheegidda”, ayuu yiri Taliyaha Booliska Koonfurta Australia Grant Stevens.

“Waxaan ka shaqeynaynay qaddiyad ah inuu qofkani si fudud u aaday meherad Pizza ah, ayna suuragal ahayd in xanuunku dad gaadhay” ayuu raaciyay.

“Haddii qofkani run u sheegi lahaa kooxaha raadinta xiriirka ayaa raadin lahaa, ma aanaan geli lahayn lix maalmood oo bandaw ah.”

South Australian Premier Steven Marshall

Saraakiisha dawladda ayaa sheegay in ay qaadi doonaan bandawgan Sabtida, taas oo saddex casho ka hor ah xlligii qorshaysnaa, kaddib markii la diwaan geliyey keliya saddex kiis oo cusub tan iyo Jimcihii.

Booliiska ma ay qeexin ninkan, waxa ay se sheegeen in uu ka shaqayn jirey Woodvile Pizza Bar oo ku taal Adelaida.

Fiditaanka cudurkan wuxuu daba socdaa guul darradii Victoria ee burburinta mawjad labaad oo coronavirus ah taas oo sababtay ku dhowaad 800 oo dhimasho.

Victoria waxay diiwaan galisay 21 maalmood oo isku xigta oo aysan jirin wax kiis ah ama dhimasho ah ka dib markii caasimaddeeda, Melbourne, ay ka soo baxday xaalad adag oo afarta bilood ah.

Australia waxay diiwaan galisay qiyaastii 900 oo dhimasho ah iyo 28,000 oo infekshan guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here