Xassan Cali Kheyre oo raaligeliyay Cabdiraxmaan Cabdishakur

0
320

Waxaa xalay markii ugu horeysay tan iyo markii xilka laga qaaday magaalada Muqdisho ku kulmay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aad u dhaliilo siyaasadda dowladda madaxweyne Farmaajo xilligan iyo markii uu Kheyre xilka hayay ayaa markii labada musharax ay kulmeen waxaa ay ka wadahadleen dhacdadii 17-kii bishii Disembar ee sanadkii 2017-ka ka dhacday xarunta xisbiga Wadajir, xilligaas oo ay ciidamada dowladda weerareen xarunta xisbiga Cabdiraxmaan uu hogamiyo ee Wadajir, waxaana halkaas lagu dilay ilaaladiisa.

Cabdiraxmaan Cabdshakuur ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyay inay halkaas ka geysteen dil, dhac iyo boob, waxaase xalay markii ay kulmeen ay qeyb ka ahayd wixii laga wada hadlay, maadaama Xassan Cali Kheyre uu xilligaas ahaa mas’uul katirsan dowladda hadda jirta.

“Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay, waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa”, sidaas waxaa Facebogiisa ku daabacay ra’iisul wasaarihii hore, Xassan Cali Kheyre oo haatan sheegay in uu doonayo in uu u tartamo xilka madaxweynenimo.

.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa xaqiijiyay warka kasoo baxay Kheyre, wuxuuna sheegay inay is-qalbi xaareen.

“Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyey weerarkii 17-kii Dec 2017”, sidaas waxaa Facebogiisa ku daabacay hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Shir jaraa’id oo ay xilliga weerarka dhacay ay si wadajir u qabteen wasiirkii hore ee amniga Maxamed Abuukar Isloow iyo xeer illaaliyihii hore, Axmed Daahir ayaa laga akhriyay war qoraal ah oo lagu faahfaahinayay sidii ay wax u dhaceen.

.

Cabdicasiis Cali Ibraahim oo xilligaas ahaa afhayeenka wasaaradda amniga oo warqada akhriyay ayaa yiri “hey’adaha Amniga iyaga oo gudanaya waajibaadkooda, iyo awaamiirta madaxda ayay abaaro 11kii iyo barkii habeenimo xalay ay tageen guri lagu tuhunsanaa in lagu abaabulo fal dambiyeedyo, muwaadhiniintii guriga joogtay waxa ay u hoggaansami waayeen amarkii la siiyay, iyadoo la waday warqadihii ruqsada baarista, guriga waxaa ku sugnaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah shaqsigii ruqsada loo qaatay, wuxuu si cad uga horyimid awaamiirta, kadibna ciidammada illaalada u ahaa waxa ay rasaas ku fureen ciidammadii ka socday hay’adaha amniga”.

Sida ku caddeyd qoraalka dowladda kasoo baxay, dambiyada lagu eedeeyay Cabdiraxmaan xilligaas ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen “qiyaano qaran, khal-khal gelin iyo burburin nidaam dowladnimo, iyo u adeegis dano dowladdo shisheeye’. Lama sheegin kuwa ay yihiin dalalka shisheeye ee danahooda loo adeegayo.

Waxaa sidoo kale xilligaas xabsiga loo taxaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo gacanta uu dhaawac kasoo gaaray, inkastoo markii dambe lasoo daayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here