Madaxda Mucaaradka Soomaaliya Oo Muqdisho War Ka Soo Saaray

0
333

Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho lagu soo gebagabeeyo kulamo labadii maalmood ee la soo dhaafay halkaas ay ku lahaayeen qaar ka mid ah musharrixiinta xilka madaxtinnimada ee Soomaaliya.

Musharrixiintaas ayaa xalay soo saaray war saxaafadeed ay kaga hadlayaan tabashooyinkooda ku aaddan guddiyada doorashada ee ay dhawaan magacaabeen dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay tababar u furtay guddiyada doorashooyinka ee dhawaan la magacaabay, guddigagaas oo ahaa salka khilaafka.

Bayaanka musharrixiinta madaxtinimada

Madaxda Muqdisho ku shiraysa

Waxaa bayaanka lagu sheegay in dowladda Federaalka, iyo maamul goboleedyada dalka ee kala ah Hirshabeelle, Galmuug, iyo Koonfur Galbeed xubnaha ay soo xuleen aanay buuxinin shuruudihi looguu tala galay, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan hay’adaha nabadgalyada, shaqaalaha rayadka ee dowladda iyo kuwa sida joogtada ah u taageero madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhanka kale madaxda ku saxiixan bayaanka ayaa waxa baaq u direen mamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo ay ku booriyeen inay xubnaha shaqaalaha dowladda ee ay ku soo dareen labada guddi ee federaal ee ay soo gudbiyeen inay badelaan.

Iyagoo ugu dambeyntina sheegay in loo baahan yahay in magacaabista guddiyada ay tahay in la waafajiyo dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo heshiisyadii siyaasadeed ee horay loo gaaray.

Halkan ka akhriso bayaanka oo dhammaystiran:

.

Baaqa Culimada Soomaaliya

Qaar ka mid ah culimada Soomaaliya ayaa iyana waxa ay bayaan ka soo saareen doorashooyinka soo socda kuwaas oo tibaaxay walaaca ay bulshada dhexdeeda galisay ismaandhaafka siyaasadeed ee salka ku haya doorashada dalka dhici doonta.

Iyagoo dhanka kale ugu baaqay dhinacyada kala duwan ee siyaasadda isku haya inay ka fogaadaan hadallada xanafta leh iyo waxkasta oo dalka dhibaata iyo qalalaaso siyaasadeedba.

Halkan ka akhriso bayaanka oo dhammaystiran:

Bayaanka Culimada Soomaaliya

Dhanka kale guddiyada doorashooyinka ee Soomaalya ayaa iyana waxaa magaalada Muqdisho uga billowday tababar lagu dhisayo awooddooda fulineed.

Jadwalka doorashada

Jadwalka doorshada oo ay madaxdu ku heshiiyeen

Iyadoo horraantii bishii Oktoobar ee sanadkan la shaaciyay jadwalka doorashooyinka Soomaliya, sida dhismaha guddiyada, deegaan doorashada xildhibaannada, tirada xildhibaannada laga soo dooran doono maamul goboleedkasta iyo reeraha ay kala matali doonaanba.

Go’aankaas ayaa waxaa xilligaas gaaray madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee Soomaaliya oo muddo shirar ku lahaa magaalada Muqdisho.

Madaxdaas ayaa soo saaray Hab-raaca Hirgelinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020/2021 ee heer Federaal.

Hab-raacaas ayaa isugu jira isugu jiray dhismaha guddiyada kala duwan ee doorashada iyo guddiga xalinta khilaafaadka iyo jadwalka doorashada labada aqal ee baarlamaanka iyo doorashada madaxweynaha dowladda federaalka ah.

Madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya

Waxaana ay madaxdu isku afgarteen in min laba magaalo oo ka tirsan dowlad goboleedyada lagu qabto doorashooyinka xildhibaannada iyo magaalada Muqdisho.

Doorashada Soomaaliya

Heshiiska madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa lagu asteeyay in 10-ka bishan illaa 20-keeda ay labada dhinac ku soo magacaabaan guddiyada hagi doona doorashada.

Soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixintana lagu diyaariyo bisha Nofeembar ee sanadkan.

Doorashada Aqalka Sare ayaa dhici doonta 1-da illaa 10-ka Diseembar, halka xildhibannada Golaha Shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka Diseembar ee sanadkan.

Doorashada guddoonka labada aqal iyo Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhici doonta 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo 2021.

Doorashada Soomaaliya

Dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ayey aheyd markii baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyey heshiiskii doorashada ee ay wada gaadheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, maammul goboleeddada iyo gobolka Banaadir.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyay heshiiskii madaxda ay ka gaareen nooca doorasho ee waddanka ka qabsoomaysa aakhirka sanadkan iyo bilowga sanadka soo socda.

17-kii bishii Sibteembar ayey aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ay kala saxiixdeen heshiiskaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here