Trump Oo Aqbalay Bilaabidda Marxaladdii Xilka Kula Wareegi lahaa Biden

0
297

Madaxweyne Trump ayaa oggolaaday in uu bilaabo marxaladdii xilwareejinta ee Joe Biden kula wareegi lahaa xafiiska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adda federaalka ee dusha kala socota wareejintu ay tahay in ay “sameyso waxa loo baahan yahay in la sameeyo”, inkasta oo uu wacad ku maray in uu sii wadi doono loollankiisa dhanka sharciga ah ee doorashada.

Maamulka Adeegyada Guud (GSA) ayaa sheegay inay qirayaan Mr Biden inuu yahay “guulaystaha hadda”.

Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii Michigan la xaqiijiyey ku guulaysigeeda dhabta ah , taas oo dharbaaxo weyn oo ku ahayd Mr Trump.

Kooxda Biden ayaa si weyn u soo dhaweysay hadalka ka soo yeeray Trump uu ku oggolaaday marxaladda xil wareejinta iney billaabanto.

Bayaan ka soo baxay Trump ayaa waxaa lagu sheegay tallaabbadan iney tahay mid loo baahnaa si loo billaabo wax ka qabashada dhibaatooyinka bulshada haysata oo ay ka mid tahay dhaqaalaha dalka in lagu soo celiyo waddadii saxda ahayd.

Go’aanka Trump uu gaadhay ayaa la sheegay hay’adaha dowladda dhexe ee Mareykanka iney u sahleyso iney si rasmi ah u billaabaan marxaladda xil wareejinta labada madaxweyne, kan la doortay iyo kan laga guuleystay.

Mr Trump wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray hay’adaha federaalku iney marxaladda xil wareejinta ay si rasmi ah u billaabaan.

Wuxuu sida oo kale Kooxda Biden uu ku wargeliyey iney iyaguna dhankooda howsha kaga aaddan xil wareejinta ay guda galaan.

Emily Murphy oo howlahan u xilsaaran waxay sheegtay madaxweynaha la doortay inay u heleyso 6.3 malyan oo doolar oo howsha lagu fuliyo.

Ms Marphy waxaa dhalleeceyn xooggan uga timid dhinacyada siyaasadeed iyaga oo ku eedeeyey iney ku guul darreysatay iney billawdo marxaladda ay labada madaxweyne xilka kula kala wareegi lahaayeen.

Ms Murphy waxay iyaduna sheegtay wakiillada dimuqraadiga ee Aqalka golaha wakiillada iney qorsheeyeen Isniinta iney xildhibaannada uga warbixiso dib u dhaca yimid.

Madaxweyne Trump wuxuu cadaadis xooggan uu uga imaneyey xubnaha sarsare ee xisbiga dimuqraadiga oo ay ku jiraan shaqsiyaada ay Trump aad isugu dhow yihiin.

Iyaga oo u soo jeedinayey talooyin ku saabsan inuu aqbalo in laga guuleystay isla-markaana uu iisu diyaariyo xil wareejin.

Mathew Littman, oo ahaa ninka khudabadaha u qora Joe Biden oo BBC u warramay wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay madaxweyne Trump xil wareejin inuu iisu diyaariyo in lagu qasbay:

“Donald Trump dan kama laha cidda maamusha aqalka senetka. Donald dan kama laha xisbiga Jamhuuriga. Donald Trump wuxuu daneeyaa oo keli ah naftiisa, haddii uu aamino inuu sidaa uu wax ku sii wadi karana wuu sii wadayaa oo kama labalabeynayo. Balse malahayga ayaa ah maamulka adeegyada guud iney u sheegeen iney arrimuhu sidan ku sii socon karin ayna ku dhawaaqayaaan Joe Biden inuu guuleystay.”

Joe Biden

Waa kuma Trump ninka ku qancinaya in lagaga shubtay?

Rudy Giuliani, qareenka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa waxa uu ku andacooday in wax la isdabamariyay doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka.

Giuliani ayaa shir jaraa’id oo uu dhawaantan ku qabtay caasimadda Mareykanka ee Washington waxa uu ku celceliyay in kumannaan warqadaha codbixinta ah oo dheeraad ah waqti hore la geeyay goob codka lagu dhiibto oo ku taal magaalada Detroit.

Kooxda xaqiiqooyinka baara ee BBCda ayaa waxa ay ogaadeen in hadalka Giuliani uu salka ku hayo sheegashada haweenay ka mid ah dadka ka shaqaynayay doorashada oo ku andacootay inay aragtay laba gaari oo ay aheyd inay cunnada geeyaan xarumaha, hasayeeshee ay sheegtay ay tiri: “Weli ma aanan arkin cunto laga soo bixinayo labadaasi gaari, wax isku soo beegmay uun ma ahayn in la shaaciyay in Michigan laga helay in ka badan 100 kun oo warqadaha codbixinta ah laba saacadood uun kaddib markii uu gaarigii ugu dambeeya”.

Eeddaas iyo eedo kalaba waxaa lagu laalay xukun soo baxay 13-kii Nofeembar halkaas oo xaakimku uu sheegay in ay yihiin kuwo aan la rumaysan karin.

Giuliani

Sida ay ku celceliyeen kooxda sharciga ee madaxweyne Trump kuwaas oo uu horkacayo Giuliani, waxa uu madaxweynaha ku andacooday in dhibaato ay ka taagneyd nidaamka codbixinta ee gobollada qaar ee baratanka adag ka jiray arrintaas oo horseedday in malaayiin cod loo weeciyo ninka ay tartamayeen ee Joe Biden.

Kooxda xaqiiqooyinta baara ee BBC-da ayaa sheegtay in aanan wax caddayn ah loo hayn arrintaasi, mana ay jirto wax arrintaas ku saabsan oo ay soo bandhigeen kooxda sharciga ee Trump.

Sida ay sheegeen madaxweyne Trump iyo kooxdiisa qaanuunka waxaa gobollo muhiim ah lagu xisaabiyay codadka kumannaan qof oo dhintay.

Kooxda xaqiiqooyinka baara ee BBCda ayaa eeddaas waxa ay ka baareen 10 kun oo qof oo codkooda ka dhiibtay gobolka Michigan kuwaas oo la sheegay inay dhinteen misana ay codeeyeen, waxaana la ogaaday in qeybtaas ay cayb laheyd hasayeeshee uusan jirin daliil cadaynaya eedahaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here