Amisom Oo War Cusub Kasoo Saartay Doorashada Dalka

0
337

Madaxa ciidamada AMISOM, Amb Francisco Madeira oo sidoo kalena ah wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaciyey doorka ciidamadooda uga aadan doorashada dalka, oo lagu wado inay dalka ka qabsoomto horaanta sanadka cusub.

Amb. Francisco oo warbixin ka siinayey golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay si balaaran uga qeyb qaadan doonaan doorashada amaankeeda.

Waxa uu xusay inay bilaabeen qorshaha ay ku taageerayaan amaanka doorashada, isagoona sheegay inay arrintani qeyb ka tahay gudashada waajibaadka ay AMISOM u joogto dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay AMISOM markasta dowladda Soomaaliya ay garab ku siineyso si loo diyaariyo, isla markaana loo qabto doorashooyinka kusoo fool leh dalka.

Francisco ayaa bogaadiyey qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba ah, midaasi oo ay uga qeyb-galayaan doorashooyinka soo socda, isagoo xusay in lagu guuleystay hirgelinta qoondadaasi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay AMISOM dowlada ka taagerto dhinacyo badan oo ay kamid yihiin; howl-galada wada-jirka ah iyo qorsheynta amniga, iyada oo xiligana ay ka caawinayaan tababarka amniga doorashada ee booliska Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha lagu qabanayo doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here