Joe Biden: Mareykanka Diyaar Ayuu U Yahay Inuu Markale Dunida Hogaamiyo

0
323

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in kooxdiisii qaabilsan xil la wareegistiisa ay wada shaqeyn wanaagsan ka helayso maamulka Trump, ka dib go’aanka soo daahday ee uu maamulka ku aqoonsaday guushiisii doorashada.

Madaxweynha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Mareykanka oo aan weli si rasmi ah guushiisa loogu dhawaaqin ayaa hadlay marki uu muddo aamunsnaa.

Tan iyo markii ay dhacday doorashada Mareykanka ee aan lagu kala bixin iyada oo madaxweyne Trump-na uu weli si cad u qiranin in laga guuleystay ayaa waxa uu Biden sheegay ‘Mareykanka inuu soo laabtay.” Wuxuuna intaasi ku daray ‘inuu diyaar u yahay dunida inuu hoggaamiyo.

Biden wuxuu durbadiba billaabay inuu qaar ka mid ah golahiisa wasiirrada uu magacaabo. Iyada oo qaar kalana la saadaalinayo inay ka mid noqonayaan golaha wasiirrada cusub.

L-R Alejandro Mayorkas, Janet Yellen, Avril Haines

Avril Haines, oo horay aqalka cad uga ahayd la taliyaha arrimaha ammaanka ayaa la xaqiijiyey iney noqoneyso haweeneydi ugu horreyey oo noqoto Agaasimaha Sirdoonka Qaranka.

Alejandro Mayorkas oo horay u ahaa ku xigeenka wasaaadda amniga gudaha uu noqonayo wasiirkii arrimha gudaha ee ugu horreeyey oo asal ahaan ka soo jeedo Laatiin America.

Joe Biden ayaa waxa uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda u magacaabay Antony Blinken, xilkaas oo ah kan ugu muhiimsan siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

58-jirkan ayaa hore u soo noqday kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka iyo kuxigeenka lataliyaha ammaanka qaranka ee maamulkii madaxweyne Barack Obama, markaas oo Mr Biden uu ahaa madaxweyne ku xigeen.

Antony Blinken ayaa soddonkii sanadood ee la soo dhaafay waxa uu soo qabtay xilal sarsare oo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, waxa uuna madaxweynaha la doortay Joe Biden kala talinayay siyaasadda dibadda tan iyo 2002-dii.

2015-kii illaa 2017-kii, Blinken waxa uu maamulkii madaxweyne Barack Obama u ahaa kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda, halkaas oo uu Blinken gacan ka gaystay dagaalka ka dhanka ah ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah, dhibaatada qaxootiga ee caalamka iyo arrimo kale.

Waxaa la filayaa inuu maamulo ajandaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Joe Biden taas oo markale diiradda lagu saari doono sidii wadashaqeyn dhow uu dalkaas ula yeelan lahaa xulafada reer Galbeedka.

Mr Biden oo u warramay warbaahinta NBC news ayaa sheegay in kooxda u xil saran hannaanka xil wareejinta wadashaqeyn wanaagsan uu la yeelan doono.

Jake Sullivan waxaa loo magacaabay lataliyaha ammaanka qaranka ee Aqalka Cad. Mr Sullivan waxa uu muddo xileedkii labaad ee Mr Obama, Biden u soo noqday lataliyaha ammaanka qaranka.

A composite image of Jake Sullivan, Linda Thomas-Greenfield and Antony Blinken

Danjire muddo dheer soo shaqaynaysay Linda Thomas-Greenfield waxaa loo magacaabay danjiraha Mareykanka u fariinsan doonta Qaramada Midoobay. Sidoo kale waxa ay la soo shaqeysay xukuumaddii madaxweyne Barrack Obama, oo waxa ay soo noqotay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibaddaba ee arrimaha Afrika intii u dhaxaysay 2013-kii illaa 2017-kii.

Maalinti shalay ahayd madaxweyne Trump wuxuu ku dhawaaqay laanta xilsaaran diyaarinta munaasabadda ay labada madaxweyne xilka iskugu wareegayaan si hannaanka xil wareejintu u billabaan.

Trump weli wuxuu diiddan yahay inuu aqbalo in laga guuleystay isaga oo weli ku doodaya doorashadi 3-da November dhacday in la xaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here