Qaramada Midoobay Oo Cabsi Ka Muujisay Dambiyo Dagaal Iney Ka Dhacaan Itoobiya

0
347

Qaramada midoobaya ayaa walaac ka muujisay dambiyada dagaal ee ka dhici kara deegaanka Tigraay maadaamaa ay ciidamada Itoobiya howlgalkoodi ugu dambeeyey oo ay ku qabsanayaan magalada Maqale ay fulinayaan, marka uu dhammaado muddadi ay dowladda dhexe u qabatay xoogagga TPLF iney isku soo dhiibaan.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya iyo xogagga deegaanka Tigraay ayaa socda ku dhawaad seddex toddobaad.

Waxaana lagu soo warramayaa dagaalkaasi boqollaal qof iney ku dhinteen kumannaanna ay ku barakaceen.

Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen colaadda iney sii hurineyso masiibooyinka bani-aadaminimo isla-markaana bariga Afrika ay xasilooni darro ka abuureyso.

Qaramada midoobay waxay sheegtay iney walaac ku abuurtay hanjabaadaha dagaalka la xidhiidha oo maalmihi u dambeeyey ka soo yeedhayey ciidamada Itoobiya oo ay ku sheegeen iney u ruqaansanayaan qabsashada caasimadda Tigraay ee Maqale oo ay ku nool yiihiin dad ka badan 500,000.

Axaddi ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed xoogagga TPLF wuxuu u qabtay 72 sacadood iney isku soo dhiibaan, isaaga oo sheegay iney si nabad ah dowladda isugu soo dhiibaan ‘maadaamaa aan la joogin meel laga noqon karo’.

Hogamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael wuxuu si cad uu ugu gacan seydhay baaqi Ra’isal wasaare Abiy Axmed ee ahaa iney ilaa iyo Arbacada ugu dambeyn xoogagga TPLF dowladda iisu soo dhiibaan.

Debretsion waxaa kale uu sheegay shacabkiisu iney diyaar u yihiin iney u dhintaan difaacidda xuquuqda ay u leeyihiin iney deegaankooda iyagu maamulaan.

Komsihiinka Xuquuqda Aadanaha dalka Itoobiya ayaa ururka dhalinyarada deegaanka Tigraay ku eedeeyey iney horraanti bishan xasuuq ka geysteen magaalada Mai-Khadra oo ay dileen dad ka badan 600 oo qof oo rayad ah.

Wuxuuna Koomishiinku sheegay dhainyaradu iney magaalada Mai-khadra dil ugu geysteen dadka aan ka soo jeedin qowmiyadda Tigreega guriyahoodana ay gubayeen.

In kabadan 40,000 oo qof oo dagaalkaasi ka qaxay ayaa gaadhay dalka Suudaan ee Itoobiya deriska la ah.

Hay’adda Amnesty International oo u doodda xuquuqda aadanaha waxay horay u sheegtay in magaalada Mai-khadra uu xasuuq ka dhacay balse ma aysan sheegin cidda xasuuqaasi geysatay iyo inta qof ee la dilay.

Jabhadda Xureynta Shacabka Tigraay ee TPLF ee maamula deegaanka Tigraay wuxuu diiday dilkaasi inuu wax lug ah uu ku leeyahay, wuxuuna dalbaday guddi madax bannaan oo heer caalami oo baaritaan ku sameeyo dilalka dhacay in loo soo diro.

Dagaalka ka socda deegaanka Tigraay wuxuu ka dhashay khilaaf xooggan oo muddo ka dhex taagnaa Xisbiga TPLF oo ka mid ah xibiyada siyaasadeed oo ugu awoodda badnaa Itoobiya iyo Dowladda dhexe uu hoggaamiyo Dr Abiy Axmed.

Iyada oo khilaafka ugu weyna uu soo ifbaxay marki uu Abiy Axmed bishii June uu dib u dhigay doorashada guud isaga oo u sababeeyey faayraska corona dartii iny doorasha xilligeeda ku dhici karin.

Haweeney ka mid ah qoxootiga ka qaxay Tigraay

TPLF dowladda dhexe uu hoggaamiyo Abiy Axmed waxay u aragtaa sharci darro, iyaga oo ku doodaya Abiy inuu sharci uu dalka ku hoggaamin karo haysanin.

4-tii bisha November ra’isal wasaaraha Itoobiya wuxuu iclaamiyey howlgal ka dhan ah TPLF, isaga oo ku eedeeyey iney maleeshiyaad daacad u ah ay weerar ku qaadeen xaruunta ciidamada qaybta waqooyi oo fadhigoodu ahaa magaalada Maqale.

In kabadan 40,000 oo qof oo dagaalkaasi ka qaxay ayaa gaadhay dalka Suudaan ee Itoobiya deriska la ah.

Qaar badan oo ka mid ah dadka dagaalkaasi ka soo qaxayna waxay sheegeen iney ka soo carareen duqeymaha, toogashada iyo mindiya dadka lagu beegsanayo.

Tigray

Haddaba muxuu gobolka Tigraay caan ku yahay?

1. Boqortooyadii Aksum ayaa waxaa xuddun u ahaa gobolkan. Waxaa lagu sifeeyey mid ka mid ah ilbaxyadii ugu waaweynaa ee horay u soo maray dunida. Waxay mar ahayd dowladdii ugu xoogga badneyd ee u dhexaysay boqortooyooyinkii Roomaanka iyo Beershiya.

Haraaga dhismaha boqoraddi Saba oo ku yaalla magaalada Axum

2. Burburka magaalada Aksum haatan waa goob UN Heritage ay leedahay. Goobta, oo ka bilaabmaysa inta udhaxeysa Qarnigii 1aad iyo kii 13aad ee AD, waxaa ku yaal dhismayaal waaweyn, qalcado, qabriyo boqortooyo iyo kaniisad.

3. Inta badan dadka ku dhaqan gobolka Tigray waa masiixiyiin haysta madhabta Orthodox-ka ee Itoobiya.. Diinta masiixiga ayaa gobolka Tigray lagu beeray 1600 oo sannadood ka hor.

4. Luuqada ugu weyn ee gobolka waa Tigrinya, taasi oo ay ku hadlaan ilaa toddoba milyan oo qof oo ku nool dunida.

5. Sisinta waa dalagga ugu muhiimsan ee ka baxa gobolka, Waxaa loo dhoofiyaa Mareykanka, Shiinaha iyo waddamo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here