Diiwaan gelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Oo Saaka Ka bilaabmay Dalka Iyo Duruufaha Ku Xeeran

0
505

Somaliland, waxa saaka dib uga furmay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, iyada oo si rasmi ah uga bilaabi doonto Gobolka Awdal, degmooyinka Gebilay, Salaxley iyo Balligubadle.

Diiwaan gelintan, ayaa ujeeddeedu tahay, sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen, dadkii aan hore isu diiwaan gelin ee aan qaadan kaadhadhka codbixinta, kuwa aan wakhtigii diiwaan gelintii hore aan qaangaadhin iyo kuwa uu ka lumay kaadhadhkii hore.

Degmooyinka gobolka Awdal iyo degmooyinka Maroodi-jeex ee ay maanta diiwaa gelintu ka bilaabmayso ayey ka soconaysaa muddo afar maalmood ah oo maanta ka bilaabmaysa.

Diiwaan gelintii 2016 tirro intee leeg ayaa is diiwaan gelisay oo qaadatay Kaadhadhka codbixinta.

Somaliland, ayaa sannadkii 2016 samaysay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka oo ahayd mid loo sameeyey hab casri ah oo adduunka ku cusub, iyada dadka is diiwaan gelinayey laga sawiray buda isha.

Diiwaan gelintan, ayaa dadka is diiwaan geliyey guud ahaan Somaliland waxay ahaayeen 704,089 qof, sida ka muuqata shaxda dadka is diiwaan geliyey ee ku jira website-ka (http://www.slnec.com/…/…/12/Final-PollingStation-Results.pdf.

Dadkan oo wakhtigaasi isu diiwaan geliyey, doorashadii Madaxtooyada ee 2017-kii, ayaa markii codaynta la gaadhay waxa codeeyey oo keliya 565,617 qof.

Shacabka Somaliland, ayaa lagu qiyaaso 4 Milyan, ayaa marka la eego dadka kaadhka qaaday aad u yar, taas oo muujinaysa in inta badan dadka Somaliland aanay is diiwaan gelin.

Duruufaha ku xeeran Diiwaan gelinta Codbixiyeyaasha

Diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee maanta dib u bilaabmaysa, ayaa waxa ku xeeran duruufo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin.

□ Abaaro iyo Biyo la’aan deegaannada qaar ka jirta oo sababtay gobollada qaarkood in Xadka Itoobiya ay u talaabeen dadka xoolo dhaqatada ah

□ wacyi gelinta iyo abaabulka oo u muuqata mid aad u hooseeya, marka loo eego tii hore.

□ loollanka reeraha dhexdooda ee Xulista Murashaxiinta Xildhibaannada oo weli la iska laalaado, oo meesha ka saartay doorkii abaabulka ee dadka iyo wacyi gelinta.

□Xalaadda dhaqaale ee waddanka oo dardartii loo qabay diiwaan gelinta hoos u dhigtay.

□ Xisbiyada oo u muuqata in aanay qaadan doorkii wacyi gelinta ee ay qaadanayeen diiwaan gelintii hore

□ Dadweynaha oo u muuqata in ay ka daaleen diiwaan gelinta iyo doorashada oo aan waxba ka beddelin noloshooda iyo deegaannada ay ku nool yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here