Wararkii ugu danbeeyey shirka Dhuusamareeb 4 Wasir Cismaan Abokor Dube ka hadlay

0
462

Kadib xalay shirkii jaraa’id ee uu saq dhexe saxaafada uqabtay wasiir “Dube” kaas oo uu ku sheegay in saaka shirka dhamaan madaxda ay kawada qayb geli doonaan uuna si rasmi ah ufurmi doono, ayay dad badan udheg taagayeen bal qaabka uu shirku ku furmi doono, iyo khudbadaha ay jeedinayaan madaxda kaqayb gelaysa sidii caadada ahaan jirtay ee lagu ogaa shirarkii hore.

Balse saxaafada oo ay is diyaarin xoogan ka muuqatay ayaa kawar heshay shir saxaafadeed uu qabanayay Ag. Warfaafinta Madaxtooyada kaasoo shaaciyay in shirku furmay madaxdana ay dhamaan kawada qayb galeen, taasoo meesha ka saartay dhaqankii hore ee ahaa khudbadihii furitaanka oo si live ah shacabka udaawan jireen, islamarkaana shirku uu ahaa bilawgiiba mid albaabada la isku xirtay.

Dadbadan waxay aaminsan yihiin in marar hore shir nuucan ah uu kaqayb galay M.Farmaajo khudbadihii ay jeediyeen madaxda qaarkood uu dhibsaday
madaxweynaha, taasoo shirkan ka dhigtay mid bilaegiiba irdaha laxirto.

Sikasta oo ay tahay warar ay saxaafada si hoose u heshay waxay sheegayaan in
Saaka magaalada dhuusamareeb lagu Arkey farmaajo Cusub oo leh Dhaqan Nabadoonnimo ah oo Diyaar u ah inaan magaalada dhuusamareeb laga Tagin iyadoo aan lawada Gaarin wax Dadka Soomaaliyeed kawada farxin Kara ,

Madaxweyne farmaajo manta mar kasta oo uu hadlo wuxuu madaxda Dowlad Goboleedyada kudhahaayey walaalyaaloow Maanta Dalkaan aan uturno horayna usocono, qaarkood iyaguna waxay ku dhahayeen xarkaha aday kuu xiran yihiin ee waa wax wabaagsan inaad doonayso inaad furto.

Waxaa la aaday nasiino iyadoo sidhab ah caawa ajandayaasha shirka marka lagu heshiiyo laguda gali doono.

Hadaba shacabka Soomaaliyeed waxay sugayaan natiijo wanaagsan Inshaa Allah.
Allaw sahal Umuuraha

Lasoco wixii soo kordha.

Muqdisho
Ustad Nadara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here