imaan ka mida imaamada musaajidada oo isku day Dil ka badbaaday

0
284

Gaari la sheegay inuu socday odayaal dhaqameedyo uu ka mid ahaa Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yusuf ayaa goor dhow lagu rasaaseeyey magaalada Muqdisho.

Falkan ayaa ka dhacay meel ku dhow Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxaana lagu warramayaa inay gaysteen ciidamada asluubta ee Xabsiga Dhexe ilaalada ka ah.

Gaariga la rasaaseeyey ayaa waxaa la socday xubno kasoo laabtay gogosha tacsida Jeneral Maxamed Nuur Galaal oo uu ku jiray Imaamka sida wararku nagu soo gaarayaan.

ilaalo la socotay duubabka dhaqanka iyo ciidanka asluubta ayaa la sheegay iney isweydaarsadeen rasaas xooggan oo daqiiqadado socotay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in qaar ka mid ah odayaashii la socday imaamka Mudulood ay dhaawacmeen, lamana oga illaa hadda sababta shilkan ka dambeysay.

La soco wixii soo kordha

Qoryaalenews/Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here