Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokar Dubbe ayaa ku adkeeyey Danjireyaasha ka howl-gala dalkeenna ilaalinta madaxbannaanida iyo qarannimada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

0
394

Waxaa uu sheegay in Farriimaha ay soo diraan in aysan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah, islamarkaana Soomaaliya ay ku tahay xadgudub.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in aysan aqbali doonin in dalka lagu soo xadgubo madaxbananidiisa loona baahan yahay in safiirada aysan kasoo gudbin xadka loogu tala galay.

Wasirka Warfaafinta Cismaan Abokor Duube ayaa sheegay in cidii dambe ee farriimaha hanjabaad ah dowladda dhexe u soo dirta in laga qaadi doono tilaabo waafaqsan sharciga.

Qaar ka mid ah dowladdaha caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa saacaddihii lasoo dhaafay si adag u cambaareeyay khilaafka doorashooyinka iyo Madaxda Soomaalida ay ku fashilmeen in ay heshiis keenaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here