Dowladdaha UK iyo USA oo sheegay in Madaxda Soomaalida looga baahan yahay in heshiis rasmi ah ka gaaraan khilaafka taagan

0
408

Laba kamid ah shanta dowladood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku leh codka qaxayan ayaa farriin hanjabaad u diray Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.

Dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa sheegay in Madaxda Soomaalida looga baahan yahay in heshiis rasmi ah ka gaaraan khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

UK iyo Mareykanka ayaa Madaxda u sheegay inay la yimaadan tanaasul iyo dabacsanaan, si loo dardar-geliyo geedi socodka hanaanka doorashada, isla markaana la fuliyo heshiiskii 17-kii September 2020 laga gaaray doorashada.
Labadaan dowladdood oo kamid ah shanta dowlad ee Golaha Ammaanka ku leh codka qaxayan ayaa ugu hanjabay dhinacyada siyaasadda inay cunaqabateyn saari doonaan cidii tanaasul iyo dabacsanaan la la imaan weydo.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in fariintaan hanjabaada ah ay Mareykanka iyo Ingiriiska si toos ah ula wadaageen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kulamo deg deg ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay sameeyaan tanaasul, si wada jir ahna loo qabto doorasho loo dhan yahay, lana xaliyo khilaafka taagan.

Dayniile  office Nayrobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here