Gudoomiye Saleeban Maxamuud Aadan waxa uu jooga wakhtigii la xanaanayn lahaa ee ma joog wakhtigii xal lagga sugi lahaa “

0
326
Gudoomiye Saleeban Maxamuud Aadan waxa uu jooga wakhtigii la xanaanayn lahaa ee ma joog wakhtigii xal lagga sugi lahaa “
Waxa la soo gudbnaaaday shalay ma ah wax yar oo fudud JSL ee waa hanankii dawladnimo iyo Golayaasha Sharci-dejinta oo loo nisbeeyey qaabkii uhu foosha-xuma oo jirinimo iyo caqli yaranteed ah.
Xaqiiqan waxan qof ahaan u haystay mala-awal iyo humaag-beeneedka noqday wax caadi ah oo warbaahinta madaxbanaan ay u tebiso badnna ee aan runteeda iyo dhabteeda inta badan la taaban ama la rumoobin, se subaxan-saanka waxan ku runmaystay marka Gudoomiye Saleeban Maxamuud aadan ka hadlay dhacada iyadda ah ee sharciga la meer-mariyeisagga aqlkiisa loo gudbiyey haddanna uu dib ugu celiyey halkaan haddanna aqlkiosa qaabka lagga wadda dheragsan yahay la hordhigay.
Waxa ceebal ah oo ku jira ma jiraa haddii xeer ama wax kale la mid ah aqalka u gubiyo aqalka kale wadda shaqynta soo saarista sharciy leeyihin balse waxa maqan oo la mijo-xaabiyey karaamadii labbadda aqal leeyihiin iyo hananakii dawladaha ixtiraamka iyo dhowsanan lahaa waxan lagga dhigay meel qof gaar ahaaneed leeyihiin sidda ay doonaan ugga dhaqmayaan. Arintan dhacdeeda aan ka hadlaya ma ah cid kale u gaar ah ee mid u gaar ah labadda Gudoomiye Golaha guurtidda iyo Golaha wakkilladda iyo labadood xafiisa ee xog-haybta. Sidda waxa la qabba oo waa ku dhamaan Mune-yaasha labbadda gole-ka tirsan oo waajibkoodu ahaa haddii foosha-xumada noocan ah ee Qaranka jabka ah timaado inay wax kasto ay tahay inay ka hawl-galaan oo hanaanka dawligga ee hawlah qaranka la isugu gudbiyo ku ilaaliyaan xeerka la isku cel celiyey.
Waxa ka sii daran oo arad la,aan dawladnimo; dhameystiran soo bandhigaysa in xeerkii dalka nooc kasta haadan ee la isugu gudbinaayo kartoon jeex jeexan oo aan xidhneyd, waxa Siilaanyo lagga sheegay in bargii Madaxweyne noqday markii uu arkay in “Qasnadii Qaranka ay haawanayso uu ku tiraabay waar yaa Harageedii nagaga-celiya ” macno ahaan noqonaysa Madaxweyne lahynin ee yaa halkeedii hore dib ugu celiya, sidda lagga war-hayo Hersi Ali H Hassan waa uu ku xusay buugiis Miyi ilaa Magaalo dhacda iyadda.
Hadda waa halkaas Gudoomiye Guurtida Saleeban Maxamuud aadan lagama sugayn qaabkan noocan ah dhinac kasta ka baarta iyo omoska isa sudhan ,madam uu yahay ruug-cadda dawladnimadda hananankeeda wax badan ka ogsoon markaan in badan ka soo dhex shaqaynaayey balse Maalintkii shalay ahaa waa uu dhex fadhiistay Gudoomiye Saleeban waa mid taariikhhada u gelaysa oo aan ka hadhi-doonin intaa uu nool yahay lagu xusi-doono oo lagu xasuusan doono. Hal-adeyg iyo karaamo badan oo ay dhif iyo naadir ummadda iyo qofka ku ayaa rabbi ku galaday se isagga wakhti cimiri-joogga Maanta sidda joog kaalonta mudanta ee haykalka iyo hogaaminta Qaranka u horseed dhiig-baxa iyo guul’daro wadda socdda waa mid waajib ah in lagal xisaabtamo.
Waxa iyadunna cad xaladaha kaggan ee siyaasdeed ee xalkood iyo wax ka qabadkooda Gudoomiye Saleeban Maxamuud aadan iyo Golaha uu hogaanka u yahay xal u helidda laga sugayey inaan wax rajo lagga qabi karra aanay jirin ba wixii maanta ka danbeeya oo quusteeda ummadda rajadda ka qabtay u cadaneyso .
Si kasta ahaate waxa caqliga iyo garashadda caadiga ee caafimaadka qabta waxan ku garwaaqsan karra xaladaha ka jiradalkeen ee daruufeed nololeed , siyaasadeed iyo talaabooyinka uu soo bandhigaysa Gudoomiye Saleeban Maxamuud aadan, aanay aheyn kuwo is qaadan karra markaan la odhan karo Gudoomiye ma joog wakhtigii xal laga sugi laha ee waxa uu joogga wakhtigii la xanananyn lahaa , waayo qaabkan uu dhaqmaya waa wadadii JSL ku kadeedmi lahayd .
Fiiro Gaara”aragtida qofka qoraaga marnaba kama masulnihin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here