Laascaanood maxaa ka socda ma dagaal ayaa dhacaya .

0
352
Shirka Garaadada Beesha Dhulbahante ee ka socda Laascaanood, ayaa U eeg mid dheeranaya oo Aan hore udhamaan doonin,
Waxaa jirta kala Arragti duwanaan udhaxaysa Garaadada shirka .dhawr iyo tobanka Garaad ee shirka jooga waxaa ugu saamayn badan Garaadada hoos ku qoran.hadii laga fursan waayo waxaa sooo raaci kara Ugaaska Guud ee Beesha Qayaad.
1: Garaadka Jaamac Garaad Cali Garaadka Guud ee Dhulbahante (Bahararsame)
2:Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
(Garaadka Jaamac Siyaad)
3: Garaad Cabdillaahi Garaad Saleebaan
(Garaadka Ugaadhyahan)
4: Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe
(Garaadka Axmed Garaad) jufadiisa hoose waa Cali Geri oo degta Gobolka doollo ee Kiilka 5-aad ee Itoobiya, dhawaan Qayb kamida Beesha Axmed Garaad ee uu Garaadka u ahaa sida Beesha Aadan Axmed waxay Magaalada Buuhoodle ku caleemo sareen Garaad Cabdillaahi Axmed Sulub Ducaale Fagaase. oo kasoo Jeeda Beesha Reer Hagar oo ah Beesha ugu badan Magaalada Buuhoodle, saamayn weyna ku leh, Dhulbahantaha Reer Ceymeedka ah,
Garaadka cadhaysan ee Garaad Jaamac Garaad Cali ,iyo Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe , labadan Garaad waxay doonayaan in Shirka Ajendaha ka soo baxaya noqdo dagaal lagu hoobto oo lala gallo Ciidanka Mallatariga Somaliland,ee Jooga Xuduudaha iyo Laascaanood.
Halka labada Garaad ee kala ah Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Garaad Cabdillaahi Garaad Saleebaan,oo laysku yidhaahdo ilma Siyaad Maxamuud,ahna dadka go’aamiya tallada Dhulbahataha ee Nugaasha, maadama iyagu ugu badan yihiin waxay doonayaan in Dagaal lala gallo Somaliland Dhulbahante kaligii wajihi Karin ee loo Qaylo dirsado Beesha Daarood oo dagaalka la balaadhiyo, dagaalkuna Kaligood ku koobnaan,ee noqdo saf balaadhan ,
Garaadka Jaamac Siyaad, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil wuxuu u arkaa hadii dagaal ka billaamo Gobolka Sool ,in Beeshiisa Jaamac Siyaad Oo degta Galbeedka Gobolka Sool, sida Deegaanada , Awr-boogays,Yeeyle ,iyo Yagoori kaligeed looga tagayo dagaalka oo Garaad Jaamac Garaad Cali ,marka xabadu bilaabamato ku noqon doono Xaruntiisii Saaxdheer ee Hawdka sare .halka Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe ,Isaguna ku noqon doono Magaalada Buuhoodle, dagaalkuna noqon doono mid ku kooban Deegaanka Jaamac Siyaad maadama degan yihiin furinta dagaalka,
Somaliland waxay leedahay Ciidan nidaami ah
(A regular army) oo joogta ,kala danbayn leh waxaa kale oo uu leeyahay Xarun dhexe oo laga hogaamiyo (central command).dagaal ka qarxa Laascaanood Ciidanka Somaliland gurmadkiisa ka imanaya Boorama, Gabiley ,Burco , Ceerigaabo iyo Oog,wuxuu Laascaanood ku gaadhayaa saacado maadama ku taallo wado Laami ah , Ciidamadu inta badan waxay maraan wado dhisan maadama sitaan Qalab Culus ( Heavy equipment) sida taangiyo wiishash beebeeyo , Baabuurta gashaman ,madaafiicda goobta ,iyo gaadiid tiro badan.
Marka Maleeshiyaad Beeleed dagaal ku qadayaan Ciidan dhisan oo nidaami ah,waxay ubaahan yihiin Dhaqaale ,Hub iyo tababar iyo Gurmad joogtaa, tusaale hadii Beesha Dhulbahante isku keento 3000 oo Ciidan oo Somaliland dagaal la Galla bishii waxaa ku baxaya malaayiin dollar sida Cuntada ,Rasaasta, Shiidaalka, Gaadiidka ,iyo dawooyinka ,iyo ugu yaraan 500 boqol oo sarkaal oo xirfad dagaal leh dagaalkana hogaamiya,
Buuga farsamada dagaalka( the war of art )ee uu qoray Sun Tzu oo udhashay dalka Shiinaha buugan oo la qoray Taariikhda miiladiga kahor ,wuxuu leeyahay dagaalka intaanad gelin waa inaad ogtahay Awooda cadawgaaga iyo Awoodaada, dagaalada waxaa ku guulaysta cida mudo badan wadi karta,maaha cida bilowda ee dhamayn Karin wuxuu ula jeedaa dagaalka waa inaad ku gasho Qorshe iyo Strategy,
Dadka Xog-ogogaalka ah waxay Aaminsan yihiin in wax dagaalla oo weyn ka dhici doonin , Laascaanood,Beesha Jaamac Siyaad Oo ah cida xabada ka bilaaba karta Laascaanood Marka ugu danbaysa gorgortan siyaasadeed iyo dhaqaalle Somaliland la gelli doonto oo xillal badan la siin doono,
cabdi Yaasin Yool
qoryaalenews kama masula maqaalkan  waa aragatiida qoraaga ku qoran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here