Akhri : Maanso cusub Oo Uu Hal-Abuur Wariye Xamse Cali Jeesto

0
1204

Hilaad/ Wakhti

Waa Maanso Gaaban Oo Ka Hadalaysa Waayaha Aduun Iyo Kala Duwanaashaha Koonkan Dushiisa Ka Jira.

Waxa Maansada Alifay Hal-Abuur Xamse Cali Cali Jeesto

Wax ay ku bilaabmaysaa sidan’. Wakhtigu Wuu Ku Haybiyaa

Dharaar Buu Kula Hadlaa

Haldoor Buu Kaa Dhigaa

Hankaaguu Wanaajiyaa

Halyay Buu Kugu Simaa

Bulshadu Ay Hiigsatoo

Mar Baad Hogol Hoortay Tahay

Mar Buu Hanku Kaa Lumaa

Hacoo Laga Quustayoo

Haweenka Agtooyada Yaal

Hilaaddu Kugugu Toshaa

Habaasku Mar Buu Kacaa

Indhuhu Hilinkay Rabeen…………….

Halbeegana Kaa Lunshaa

Mar Baa Lagu Hiifayaa

Bulshadu Hardaamiyo

Dhib Iyo Howl Kugu Tirtaa

Mar Baa Lagu Hiigsadaa

Halbeega Wanaag Iyo

Mar Baad Tahay Hanad Jiroo

Weedhaada Laga Helaa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here