Wafti Ka Socda Somaliland Oo Ethiopia Kaga Qayb Galaya Shir Maanta Ka Furmaaya.

0
813

 (Hargeysa-Qoryaale) – Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo wasiir ku xigeenka Wasaaradda arimaha debadda ee Somaliland ayaa u anababaxay wadanka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, gaar ahaana dawladda degaanka Somaalida, waftigan ayaa waxa uu ka koobna Badhsaabadda Gobolada galbeedka iyo degaanadda ku teedsan xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, Saraakiisa sarsare ee ciidamadda Booliska Somaliland.

waftigan balaadhan ayaa waxa ay ka qayb galayaan shirbalaadhan oo ka dhacaya Magaladda Dirir Dhaba ee dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia, kaas oo laga wada xaajoonaayo ilaalinta amaanka iyo kor uqaadista xidhiidhka labadda dawladood, isku socodka, iyo ganacsiga labada dhinac, waftigan ayaa intii aanu ka gudbin magaalo ganacsiyeeda sohdinta ku taala ee Wajaale waxa ay halkaasi kula hadleen warbaahinta iyaga oo ka xogwaramay ujeedada socdaalkooda, Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Mustafe cabdi Shiine ayaa halkaasi ka hadalay waxa uu ka warbixiyay qaybaha kaladuwan ee uu ka kooban yahay waftiga Somaliland iyo waxayaabaha ay kaga wada hadlayaan shirka labada dawladood waxanu ku bilaabay “anaga oo ka kooban Badhsaabada dalka inta xuduudka la leh dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya,Taliye yaasha Ciidamadda Qaranka, Badda, Booliska, Sirdoonka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Debadda,Masuuliyiin ka socda Wasaaradda arimaha gudaha, waxaanu u socona shirarkii horeba u dhici jiray laakiin imika in dhawaale naga baaqday, waxana laga wada hadlaya xidhiidhka Nabadgelyo iyo horumarka labada dale e walaalaha ah Somaliland iyo Itoobiya” ayuu ku soo koobay Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Mustafe Cabdi Shiine.

Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Degmadda Togwajaale oo sheegay in masuuliyadi ka saran tahay degaanka xuduuda ku teedsan adkaynta nabadgelyadda waxanu yidhi “waxa aanu halkan sibalaadhan ugu soo dhawaynayna badhasaabada Gobolada iyo Badhasaabada Ciidamada ee ka qayb galaya shirka beri (maanta) ka furmaaya magaaladda diridhaba anaga oo ah maamulka togwajaale”

Waxaa kale oo isna intii aanu waftigu ka anba bxin Dagmadda togwajaale halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Hawd Guddoomiye Ibraahin Xasan Cali waxana hadaladisii ka mid ahaa” aad baan ugu mahad celinya sida masuuliyiinta wajaale nosoo dhaweyeen, waxaanu u sii socona dirir dhab halkaas oo aanu kaga qayb galayno shirka la idiin sheegay labada dawladoodna xidhiidh bay leeyihiin oo way wada shaqeeyaan” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Guddoomiyaha Gobolka Hawd Ibraahin Xasan Cali.

“hadaanu nahay gudidii nabad gelyada ee gobolka Togdheer waxa aanu go’aansanay inaanu baabi ino moosaska iyo oodahaa iyo waabahan yar yare e laga sameeyay Godolka iyo burco dhexdooda oo laba meelooda waanu soo baabi inay mid midna wataas imika uu dabku ka baxaayo waxa aanu aad iyo aad ugu mahad celinayna dadkii waabahaas samaystay oo iyagu gacantooda ulategay” ayuu yidhi Maayirka Burco Maxamed yuusuf Muraad

Qoryaale/Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here