Isuduwihii Wasaarada Xanaanada Xoolaha Gobolka Saraar oo Lagu Aasay Magaalada Burco.

0
558
Burco(QYN) Alle haw naxariistee  Isuduwihii  wasaarada xanaanada Xoolaha ee gobolka  Saraar Dr. Cumar X.Abokor  Axmed  oo ku geeriyooday xalay magaalada, ayaa maanta lagu aasay  xabaalaha  magaalada  Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
 
Marxuunka  oo  mudooyinkii u dambeeyay  u jiifay xanuun asiibay,ayaa  aakhirkii u geeriyooday. Waxa marxuunku  ka mid ahaa dhakhaatiirtii Ka baxday jaamacadii Soomaliya  qaybteeda xanaanada xoolaha islamarkaana  waxa uu ka mid ahaa raga aqoonta xoolaha sida weyn ugu takhasuusay,isagoo kaalin ka soo qaatay horumarinta  wasaarada xanaanada xoolaha somaliland.
 
Waxa kale, marxuunku ka shaqooyin  oo xilal kala duwan ka soo qabtay  dalkii soomaaliya.
Alle haw naxariistee waxa Marxuunka Tacsi u diraya  Masuuliyiinta  Gobolka Saraa,Madaxda Wasaarada xanaanada Xoolaha  gobolka togdheer,sidoo kale waxa tacsi taa lamida  u diraya marxuunka Dhamaan Qoyska Reer Maxamed Xuseen Cilmi   iyo  Reer X. Abokor.Kuwaasoo dhamaantood  ilaahay uga baryay inuu marxuunka janadii ka waraabiyo, ehaladii iyo asxaabtiina  samir iyo iimaan ka siiyo ..aamiin..aamiin.
Qoryaalenews Burco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here