Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo ku sugan Waddanka Imaraadka Carabta, ayaa Cisbitaalka Magaalada Cujmaan, ku booqday Abwaanka weyn ee Cali Sugule Duncarbeed

0
664

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo ku sugan Waddanka Imaraadka Carabta, ayaa Cisbitaalka Magaalada Cujmaan, ku booqday Abwaanka weyn ee Cali Sugule Duncarbeed.

 

Madaxweynaha Somaliland oo ay wehelinayaan Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaraadka Carabta, Baashe Cawil Xaji Cumar ayaa Abwaanka alle uga baryay inuu caafimaad sareecana siiyo. Madaxweynaha Somaliland oo markii uu qolka uu Abwaanku ka jiifo Cisbitaalka soo galay ka hadlaaya dareenkiisa  waayihii ay saxiibka ahayeen iyo tariikhdii Abwaanka wuxuu yidhi.

v

“Abwaan Cali Sugule Duncarbeed, ayaan maanta Cisbitaalka ugu imi oo aan ku soo booqday oo xanuun sanaaya illahay waxaan ka baryayaa inuu caafimaad siiyo, Cali Sugule waa nin weyn oo tariikhda meel ku leh oo hal abuur leh marka alle ha shaafiyo”. Sidaa waxaa yidhi Madaxweynaha Somaliland.

 

Geestooda waxaa iyaguna ka hadlay booqashada Abwaanka Wasiirka Madaxtooyada iyo Safiirka Somaliland ee Imaraadka, waxayna alle uga baryeen inuu caafimaad sareecana siiyo Abwaan Cali Sugule. Dhinaca kale Khadar Cali Sugule oo ku hadlaayay afka qoyska Abwaanka oo ah aabihii ayaa siweyn ugu mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay inuu mar kasta ka warhayay Xaalada Abwaan Cali Sugule,  sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Safiirka Somaliland ee dalka Imaraadka Baashe Cawil iyo Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo hore Abwaanka iyagoo Madaxweynaha matalaaya booqasho iyo tageeraba ugu yimi.

imageimageimageimageimage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here