XIRSI CALI X. XASAN WAXAY BULSHO WAYNTA S/LAND UGA MARKHAATI TAHAY WAX QABADKA MUUQDA IYO HORUMARKA UU KU TALAABSADAY MUDADII WASIIRKA MADAXTOOYADA AHAA.

0
949

Faalo;Maahmaah Soomaali ayaa tidhaa ALLE markuu Guul kula Damco waxuu kuu soo Horaysiiyaa Dadkii Guushaa kuu Horseedi lahaa Sidaa waxaa ka Dhigan  Madaxwayne Siraanyo oo Maalintii uu la Wareegay Hogaaminta Talada Dalka S/land Waxuu  ILAAHAY Garab iyo Gaashaan uga dhigay Xirsi Cali X Xasan oo ah Halyay Qaran oo Ka Badheedhay Dhismaha Wadooyinka oo ah Horumarka Koowaad ee  Kaabayaasha Dhaqaalaha Waxaanay uga Markhaati kacaysaa in Bogaga Taariikhda  lagu Xusi doono.

 

 

Waa kuma Xirsi Cali X Xasan ? Muxuuse kaga Duwanyahay Masuuliyiintii Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo kawada Tirsanaayeen ? Muxuuse ku soo kordhiyay Kaabayaasha Dhaqaalaha Horomarintooda ? Hadii aan u soo noqdo Dulucda Maqaalkayga waxaa Hubaala in Shann iyo Labaatanka Sanno ee Qaranka S/land  Jiray la Arag  Masuul leh Hanka iyo Hamiga Fog ee Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan Waxaanu Taariikhdu ku Xusi Doontaa Masuulkii Koowaad ee ku Fikiray kuna Hamiyay in uu ka  Dhabeeyo Dhamaystirka  Dhismaha Wadada isku Xidha Togdheer iyo Ceerigaabo Wadadan oo Qaranka S/land u Noqonaya Halbawlaha Xidhiidhya Bariga iyo Galbeedka S/land.

Waxaase Iswaydiin Mudan  Halkii ma ka sii wadi Doonaa Wasiirka Cusub ee loo Magacaabay Wasaarada Madaxtooyada  Maxmuud Xaashi Cabdi ? Waase Barito iyo Bill danbe Wasiir Xirsi Cali X Xasan Mudo Shan Sanno ah uu Xilka Wasaarada Madaxtooyada hayay waxuu la yimid Hami Fog iyo Curin uu Fikir iyo Wada tashi kala Wadaagi jiray Aqoonyahanka iyo Qof kasta oo u heelan in uu Karti iyo Waayo aragnimo ku soo kordhiyo Hawsha Baaxada leh ee  Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha ee lagama Maarmaanka u ah Koboc Dhaqaale oo Bulsho Waynta S/land si Siman u Wadaagto Bari ilaa Galbeed .

Hadiise aan ku soo noqdo Dulucda Qoraalkayga Badhtamihii Sanadkii 2010 ayay ahayd markii  Madaxwayne Siiraanyo u Magacaabay Wasaarada Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan waxuuna Sobob u noqday in Saaxada Siyaasada soo galaan Aqoonyahano Dhalinyaro ah oo Dhiig Cusub galiya Aqoonyahanka iyo Dhalinyaradan ayaan Xirsi La,aantii aan Fursad u heleen in ay ka mid noqdaan Masuuliyiinta Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo.

Sidoo kale Xirsi Cali X Xasan waa Masuul Run sheega oo ka Dhabeeya Balan qaadkasta oo Danta Guud ku Saabsan inkasta oo laga yaabo in ay Siyaasiin iyo Dad dano gaara ka waayay ay dhaliilaan waxay Bulsho Waynta S/land ka Markhaati tahay  Marag Cadna uga Dhigayaa in Waxqabadka Muuqda ee Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Qabatay Waxaa Xadhiga ka Jaray oo Fulisay Wasaarada uu Xirsi ka Masuulka ahaa .

Sidoo kale Xirsi Cali X Xasan waa Masuul Xulan Yaqaana Aqoonyahanka Kartida leh ee Hawsha Qaranka si Daacadnimo leh u Guta Waajibaadkiisa Shaqo Waxaana Xusid Mudan sida uu u soo Xushay Masuul u Hagar baxay Dhamaytirka Wadada isku Xidha Kalabaydh iyo Boorama Xirsi Cali X Xasan waxuu ku Guulaystay in uu Masuulkaa u Magacaabo una soo Dalacsiiyo Xilka Guud ee Dhismaha Wadooyinka Dalka S/land oo dhan waxayna Arintani  Dhiiri galin u noqotay Masuulka Deegaankiisa u Hagar baxaa in uu Mudan yahay in Dalka oo dhan lagu Aamin doono

Ugu Danbayn Qormadan oo Araar u Badnayd waxay Qormooyinka Xiga idinku soo Bandhigi Doonaa Waxqabadkii iyo Horumarka Dalka Kaalinta uu ku lahaa Xirsi Cali X Xasan

 

QALINKII Eng Axmed Daahir Qawdhan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here