Dhitada iyo Dhaxalka Xurgufta & Loolanka Xisbiga Kulmiye.

0
631

kulmiye xabalaha

Faallo‬ ~ Dhitada iyo Dhaxalka Xurgufta & Loolanka Xisbiga Kulmiye.

Waagii Dilaaca iyo Wacyigii Yimaadaaba waxay Reebaan amase Suntaan Duruuso iyo Mahadhooyin Jaangooya Saaxada Siyaasadeed ee Loolanka Kaltan Doorasho.

Haddaba Marka laga Gudbo Xafiiltanka Xisbiga Kulmiye Wadajirkiisii Wiiqay amase Hadaynu Si kalaba u dhigno Garabyada Is hirdiyay ee Kala Irdhoobay iyo Murashaxiinta Jujuubka loogu Cumaamaday, Waxa Jira Dhawr Qodob oo dhaxal ahaan laga Weelaysankaro Shirkii Goolaha Dhexe ee Maanta. Mahadhooyinka Xisbiga Kulmiye ee Gebi ahaanba Bedelay Odoroskii Siyaasadeed ee Dalku waa kuwan iyagoo hormaysan oo Waliba Kooban,

°~° ‪Madaxweyne Siilaanyo‬ Marka laga Gudbo Dal iyo Dad Midaysan oo Madaxweyne Rayaale ku Wareejiyay Siilaanyo, Waxa lagu Xasuusandoona Xukuumad kala Socota oo Saamayn taban ku yeelatay Hanashada Kalsoonida Shacabka iyo in Guul ay ka gaadhaan Waxqabadka Xukuumada Laga Filayay. Dhanka kale Madaxweynuhu Wuxu hagraday inuu Dalka u tudho oo Talo Odaytinimo kusoo Jeediyo Qofka Munaasibka ku ah Hogaanka Dalka ee Halka aynu Marayno Hore Uga sii soconkara. Nasiibdarro Madaxweynuhu Wuxu Doorbiday inuu Dhinac Noqdo oo Waliba Bayna Wa Bayna Arinkiisu Noqdo ilaa Xisbigu Ku kala Qaybsamay, Haldoor Badan oo Xukuumada Iyo Xisbigaba Ku Suntanaana ka dareeraan, Taasna Waxa Sabab u ah Doorka Madmadowgu Ku jiro Ee Siilaanyo Ka Ciyaaray Khilaafka Loolanka Xisbiga Kulmiye.

°~° Loolanka_Siyaasadeed – Aalaaba Wakhtiyada Loolanka iyo Hirdanka Siyaasadeed lagu jiro waxa jirta In lays Garbiyo oo Kooxba Koox Hirdido, Wax tudhaale ahna aan laysku gelin oo tab iyo xeel laysku adeegsado. Haddaba Marka Intaas laga gudbo Waxa Jira Xayndaabyo aan Laga Gudbin iyo Xaajooyin Uguba oo ka Hadha loolanada Siyaasadeed. Haddaba Loolanka Murashaxnimo ee Xisbiga Kulmiye waxa lagu Xasuusandoonaa Qoqob iyo Qabyaalad aan waxba layskula Hadhin, Saaxiibo iyo Danwadaag Hayb Hoose Wadaagana Kala Irdhaysay. Inkastoo Xukuumadeenan Lagu Xanto In ay Qabyaaladii soo Noolaysay oo Qaraabokiilka iyo Eexda Qabiilku Mudh-baxeen, Haddana Waxa Biyo Kama Dhibcaana in Loolankani ahaa mid Ku Suntan Carcar Qabyaaladeed iyo kooxaysi Qabiil. Dhanka Kale, Loolankani Wuxu Muujiyay Dhaqanka Qabaliga ah ee Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye ku Astaysanyahay, Tusaale waxa Marag Ma doon ah in Murashaxiintu loolanka adag dhexmarayay Ay Hayb ahaan Ka soo Jeedeen Midabada Huruuda iyo Akhtarka ah ee ku Midaysan Xisbigan, Halka Garabada Kale ee Mood iyo Noolba usoo Hagarbaxay Xisbiga Kulmiye loo Arkayay qaar aan Geyin Bartilmaameedka Loolanka.

°~° ‪Muuse Biixi‬ Musharaxnimada Jujuubka Loogu Cumaamaday Muuse Waxay Gebi ahaanba Bedeshay Saadashii Siyaasadeed Ee Dalka Gaar Ahaan Awooda Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye iyo Waliba Rajada Siyaasadeed Ee Xisbiyada Mucaaradku Madaxtinimada Dalka Ku Hanankaraan. Marka laga Tago Godobaha Siyaasadeed Ee Muuse Biixi ku Suntanyahay, Waxa Inta Badan Waxgaradka iyo Dadka Ahlul Caqliga ah ee ay Wadaagaan Xisbinimada iyo Isbahaysiguba Arkayeen inaanu Muuse ku Haboonayn Jagadan Loo Cumaamaday Isla Markaanaaa Iska DaaaTaageerada Bulshada Kale ee Somaliland-ne Wuxuu Dhantaalidoono Awooda Isbahaysiga Kulmiye Dhexdiisa, Wuxuu Soo Qadimay Rajada Guusha ee Xisbiyada Mucaaradka Gaar ahaan Xisbiga UCID waa Haddii ay Fursadan Si Degen Oo Caqliyadi Hagayso Ay uga Faaiideeyaan Dheelitirka Isbahaysiyada Siyaasadeed Ee Dalka.

°~°‪‎ Badheedhaha Wasiir Cukuse‬ Marka la isku Daro Talaabadii Uu Wasiir Cukuse Kaga Hadhay Sxbadiisii Iscasilay iyo Mahadhada Maanta Ee Uu Kaga Codeeyay Muuse Biixi Waxay Muujinaysaa Bisayl Siyaasadeed oo Geesinimo iyo Aragtiyi Ku Dheehanyihiin. Siyaasiga Hayinka ah ayaa aaminsan in Libta Loolanku lahaado dabar Xakameeya Caadifada Hirdanka iyo Xamaasada Kala Duwanaanshaha Afkaarta, Sidaas Darteed Wasiir Cukuse Wuxuu Suntay in Fikirka Siyaasiga ah lagu Kala Duwanaankaro Sidoo Kalana Loolanka Siyaasada Aan Jaanis Laysa siinin Balse Xeel, Xamil iyo Xarago Lagu Hanto Guusha Is Garbinta Loolanka.

°~° ‪Xaglatoosiye‬ Dareen-celintii Iyo Weedhihii Quwaysnaa Ee Wasiir Xaglatoosiye Maanta Ka Jeediyay Madashii Shirku Waxay Ahayeen Qaar Daaha Ka Fayday Fadhiidnimada iyo Mustawaha Xisbiga Kulmiya. Dhanka kale Waxay Kor u Qaadeen Shakhsiyada Iyo Taageerada Siyaasadeed Ee Wasiir Xaglatoosiye Ku Meelmaridoono Mustaqbalkiisa Siyaasadeed Kuna Hanandoono Hankiisa. Wuxuu Muujiyay Summado lagu Yaqaan Hogaamiyaha Dhabta Ah.

***~ ‪Bal Adba‬ ! ~***

Hassan Ismail

Academic Social Activist.

Kooshin8@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here