“Madaxweyne Waxaad Tidhi Somaliland Iga Danbayn Mayso,Dimuqraadiyadiina Waad Dumisay, Wada Jirkii Umadana Waad Aastay, Waxaanad Cumaamaday Qab Qable Dagaal Oo Cadhaysan”Siyaasi Barkhad Jibriil

0
2766

“Madaxweyne Waxaad Tidhi Somaliland Iga Danbayn Mayso,Dimuqraadiyadiina Waad Dumisay, Wada Jirkii Umadana Waad Aastay, Waxaanad Cumaamaday Qab Qable Dagaal Oo Cadhaysan”Siyaasi Barkhad Jibriil

Hargeysa(QYN):-gudoomiyaha dallada midnimada iyo badbaadada somaliland Barkhaad Jibriil Faarax oo ka mid ah siyaasiyiinta somaliland ee ku sugan wadanka Ingiriiska ayaa ka hadlay shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye iyo musharaxiinta lagu doortay.

Siyaasi Barkhad Jibriil oo khadka telefanka ugu waramayey shabakada Hadhwanaagnews ayaa waxa uu  si cad uga soo horjeedsaday musharaxiinta loo cumaamaday musharaxnimada xisbiga Kulmiye ee uga qayb gali doona doorashada danbe, waxaanu tilmaamay inaanay musharaxiintaasi ahayn kuwii ku haboonaa ee xisbiga Kulmiye matali lahaa.

Ugu horayn Barkhad Jibriil oo ka hadlaya shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu yidhi “Shirkii kulmiye waxa ka dhacay arin ayaan daro ah,

waxa la kufsaday dimuqraadiyadii somaliland, waxa meel lagaga dhacay hanaan socodkii dawladan curdinka ah ee dadkani ku soo caano maaleen, waxaana god lagu riday wada noolaanshihii umada somaliland markii Muuse Biixi si badheedh ah loo caleemo saaray, xisbiga Kulmiye waxay ahayd inuu noqdo xisbi cadaalad iyo dimuqraadi ah waayo waa la soo wada eegayaa oo xukunkii ayuu maanta hayaa, aduunkuna wuu inagu soo majiiran lahaa waana muraayadii laga daawanayey somaliland, hore god ayey ugu rideen sumcadii somaliland oo wadamada  dariska ahi xidhiidhkii way ka wada xidheen, caalamkuna dhabarka ayuu u soo jeediyey, taas ayuun baanay ka mid tahay wixii ka dhacay shirka kulmiye waxaana la doonayaa in somaliland nabad galyadii iyo ilayskii dimuqraadiyada iyo cadaalada ee u soo baxayey la baabiiyo, ninkan la cumaamaday ee Muuse Biixi waa astaanka qab qablaha dagaal, waa astaanta qabyaalada, waa astaana colaada, waa astaanta digtaatoornimada, markaa muu ahayn ninkii ku haboonaa inuu umadan madaxweyne ugu tartami lahaa, xisbigana may ahayn inuu u noqdo musharax.” Ayuu yidhi Siyaasi Barkhad JibriilSidoo kale waxa uu sheegay inaanay waxba soo kordhinayn musharaxnimada Saylici, isaga oo sheegay inay mudnayd in la taageero Dr. Xaglatoosiye waxaanu yidhi “Saylici haduu wax soo kordhinayo shan sano iyo laba sanadood oo xaaraan ah ayuu  meesha fadhiyey,wuxuu ku soo kordhiyey musuq maasuq iyo cuqdad uu marna sii dudo marna soo dudo, Saylicina taariikhdiisa todobadaas sanadood ayaa  umada ugu filan,  Muuse-na intii uu halkaas joogay ee dulmigu soo socday dulmigaas ayuu qayb ka ahaa waanu is nabayey, wuxuu doonayey inuu maalin uun dulmigaas umada lagu hayo ka qayb qaato,ragii mujaahidinta ahaa ee xorta ahaa ee yididiilada qabay waxan socda aad ayey uga soo hor jeedaan.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay aragtidiisa musharaxiintii qaadacay inay ka qayb galaan shirka golaha dhexe ee Kulmiye waxaanu yidhi “Way ku wanaagsan yihiin inay go,aankaas qaataan,waayo waxa la yidhi meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco,markaa meeshan waa laga tashaday oo go,aan ayaa laga gaadhay, waanay ku mahadsan yihiin inay caalamka iyo umadaba u iftiimiyeen sidii wax u jireen ishana waa lagu wada hayey,  Muuse cida uu u talinayo iyo halka uu la marayo waa la arki doonaa, iyo saylicigan uu wato, waayo waxay ahayd inuu soo dhaweeyo  Xaglatoosiye, Saylici waxay ahayd inuu meesha baneeyo sida uu siilaanyo yeelay, iyada oo siilaanyo halkaas tamari dhigtay  ee wanaag iyo u tudhis uu dadka u tudhayo kagamuu tagin, dalkana waxba kagamuu tagin, halkii ugu danbaysay ee halaag ah iyo taariikh madaw ayuu dalka kaga tagay, waxaanu iska dhigayaa nin tanaasulay oo xilkii baneeyey, dadkuna dulmigii ayey fahmeen.”

Sidoo kale waxa uu dhaliilay qaabkii uu madaxweyne Siilaanyo ugu codeeyey musharaxiinta ku guulaystay shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi “Qofku marka uu sharaftiisa iyo karaamadiisa dhawranayo wax badan ayuu xeeriyaa oo uu asturaa, dhawr boqol ayaa u codeeyey musharaxiintii uu gacanta u taagay,waanu arkayey umada u wada taagtay gacanta, waxaanay ahayd inuu iska yar aamuso oo fartiisa hoos iskaga dhigto, laakiin isaga ayaaba ugu horeeyey  wax gacanta taagay, Xaglatoosiyana  waa tii boobka badheedhkaa ahaa lagu qaaday, Muuse Biixi halka uu la marayo isaga ayey u taalaa, waayo waxa la yidhi  Hal Xaaraan Ahi Nirig  Xalaal ah ma dhasho, habka uu ku yimid ayaa xaaraan ah, dalkana hadii uu xaaraan ku qabsado waxa laga filan karo way  iska cadahay, Muuse kama iibsamayo reer Boorama, reer Balli-gubadle, Reer Ceerigaabo, Reer  Laas Caanood, Reer Oodweyne, markaa ninkani waa ninkii umadan wax wada leh kala kaxayn lahaa.”

Ugu danbayntiina waxa uu fariin u diray musharax Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Siilaanyo waxaanu mar kale yidhi “Muuse waxaan leeyahay cidna ma qasbi kartid, cidna xoog kuma haysan kartid, meeshana lagaama rabee intay goori goor tahay iska casil oo cid umada isku wadi karta uga tanaasul, laakiin hadaad ku sii adkaysato waa macangagnimadii lagagu  yaqaanay, Siilaanyana waxaan leeyahay taariikh madaw ayaad kaga tagtay dalka, dhagaxaantii, dhirtii iyo dadkii ayaa kaa qayliyey, inta gabay ee laguu tiriyey ma jiro qof soomaali ah oo loo tiriyey hadaad ku cibro qaadanayso iyo hadaad u tudhayso naftaada mabaad sii joogteen.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay siyaasi Barkhad Jibriil Faarax

 

Siyaasi   kan-dalad(1)Barkhad Jibriil Faarax

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here