Weriyaha Magaaladda Burco Ee Shabakadda Caalamiga Ah Ee Hadhwanaagnews Oo Looga Yeedhay Xarunta Dambi-baadhista (CID)

0
1386
Weriyaha Shebekedda Hadhwanaagnews ee Magaalada Burco KHadar Abdirisaq Saleban(HANAD) ayaa Saaka looga yeedhay Xarunta Danbi Baadhista ee CID da ee magaaladda xarunta gobolka Togdheer.

Weriyaha oo Goor dhoweyd aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa noo sheegay in wax laga waydiinnaayay Warbixin horre uga baxday Shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews oo xidhiidh la lahayd arrimmo khuseeya Maayarka magaaladda Burco Maxamed Muraad, hase yeeshee waxa uu sheegay innuu dhammaan si hufan oo karti leh uga jawaabay su’aalihii iyo  waraysigii ay la yeesheen waaxda Dambi baadhista ee gobolka Togdheer

Weriyaha oo aannu waydiinay Halka uu

ku danbaynayo Kiiska loo haysto iyo waxa uu kaga yimi Danbi baadhayaasha su’aalaha waydiiyey iyo weliba sidii loola dhaqmay ayaa Bogaadiyey Danbi baadhayaashii kiiskiisa gacanta ku hayay, waxaannu tilmaamay in mar kale lala ballamay innuu soo noqdo isla markaasna uu isagu u sheegay danbi baadhayaasha innuu is difaacayo, waxaannu xusay innuu si hufan oo xaqiiqda ku salaysan uga wada jawaabay su’aalihi la waydiiyey.Maaha Marki u horreysay ee Maayarka Burco Haddidaad, Xadhig iyo Cagajuglayn u geysto Warbaahinta ka hawl-gasha Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, wallow sida la sheegay uu warbaahintii Gobolkaas u kala qaybiyey Guruubo isla markaasna uu soo kala dhoweysto isagoo u kala dhoweysto si cunsurunimo iyo qabyaalad ah,waxaanna shebekedda Hadhwanaagnews oo shaqaalaheedu kala joogaan daafaha adduunku sii wadi doonnaan  dedaalo lagu daba gelayo waxyaabaha anshaxa maamul iyo masuliyadeed ka baxsan iyo musuqa ay xildhibaano badani ku eedeyeen maayarka inay soo hesho oo baahiso, iyadoo weriye laga xidho iyo mid suuqa ay ku budheeyaan dad uu soo abaabulay aanay waxba u dhimayn shebekedda iyo guud ahaanba saxaafadda shaqadeeda caadiga ah.

Link: Warbinti Hore  http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=167132

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here