Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Ka Duday Xilkii Uu La Wareegay ‘Shirar Uu Hargeysa Ku Qabtay iyo Waxyaabaha uu Ka Cadhooday

0
564

Wuxuu shirar beelaysan kula galay Hargeysa qaar ka mid ah oyadaasha iyo siyaasiyiinta ay isku deegaanka ka soo jeedaan oo uu cabashadiisa u gudbiyay

Hargeysa(QYN):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa laba maalmood ka dib   ka duday Wasaaraddii uu xilkeeda la wareegay, ka dib markii ay u cuntami wayday wax ka bedel lagu sameeyay Wasaaradda markii loo magacaabay.

 

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadu waxaa uu ka cadhooday qayb ka mid ah shaqadii ay Wasaaraddu qabanaysay intii uu Wasiir Xirsi  joogay oo laga saaray isla markaana loo wareejiyay wasaaraddii hore looga soo qaaday ee Hawlaha guud taasoo ah Hay’adda Waddooyinka.

 

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaan sadex maalmood ka soo xaadirin wasaaraddii uu kala wareegay Wasiirkii is casilay ee madaxtooyada oo ahayd meel uu in badan ku taamayay ka dib markii ay ku adkaatay kala dheegis lagu sameeyay wasaaradda iyo balamaha Madaxwaynaha iyo cidda la kulmaysa oo loo sameeyay cid gaar ah oo hawshaa u xilsaraan taasoo la sheegay  in markii hore ay ka mid ahayd shaqada Wasiirka Madaxtooyada.

Wasiirka duday ayaa abaabulay kulamo beelaysan oo uu kaga cabanayo Wasaaradda loo dhiibay ee la kala dheegay iyo Hay’adda Waddooyinka  ee laga   hoos saaray.

Wasiir Xaashi ayaa kulan  beelaysan waxaa uu kula yeeshay guriga Wasiirkii hore ee Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan siyaasiyiin ay isku beel yihiin waxaanu ugu  Cawday in Wasaaraddii uu la wareegay  la kala dheegay oo aanay sidii uu Xirsi Wasiirka kaga ahaa aanay ahayn taaloo suu ku tilmaamay in ay tahay wax aanu aqbalayn.

Waxaanu u sheegay in  Wasaaradda lagu soo celiyo sideedii hore  haddii kale uu u arko in la yaraysanayo  oo aanu xilkaa haynayn.

Waxaanu ku cawday in laga xanqarsanayo oo balamihii muhiimka ahaa ee dadka la kulmaya Madaxweynahana loo sameeyay cid gaar ah oo hawshaa qabata oo isaga ka madax bannaan isla markaana aanu ka qayb galayn kulamada noocaas ah. Taasoo uu ku dooday in ay ka mid tahay waxyaabaha uu ku dareemay  in la yaraysanayo oo  Madatooyadu ka xanqarsanayso waxaa kale oo  uu si weyn u diiday in Hay’addii waddooyinka laga hoos saaro wasaaradda loo dhiibay isla  marlaana lagu celiyo wasaarad horeba looga hoos saaray.

Cabashada Wasiir Maxamuud Xaashi ula tegay siyaasiyiinta iyo waxgadaka ay isku beesha yihiin ayaa  la sheegay in ay ku qanciyeen in uu shaqii ku noqdo oo uu tago Wasaaradda uu xilkeeda la wareegay waxyaabaha uu diidan yahayna ay Madaxweynaha kala hadli doonaan.

Maalintii shalay ayuu ku noqday Wasiirku shaqada  Wasaaradda uu salauugay shaqadeeda waxaana la filayaa in arrintiisa ay ka odayayn doonaan siyaasiyiinta uu klamanada kala duwan la yeelanayay maalmihii ugu dambeeyay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here