Maanso-Ka-Hadlaysa-Wasiirkii-Hore-ee-Madaxtooyadda-Md.Xirsi-Cali-X.Xasan-Xirsi-In-uu-Haleyey-Yahay.

0
513

 

 

 

 

WASIR XIRSI

 

 

Hadaba, waatan Maansadii

Xirsi Inuu Halyey Yahay

Madaxweyne Hanankaro

Umaddana Hab socodkiyo

Hanaankeeda Qaranimo

Horseed uu ka noqon karo.

Hogaankeeda Qaban karo

Kama Taagna hadaloo

Hubaalweeye taasiye

Xirsi Cali Xaaji  .COM

Hadeerto iyo maantana

Hal-doorka uu la gaasirey

Inta uu habeen iyo

Hadh gadiida iyo duhur

Dalka horumarkiisiyo

U holaday waxqabad culus

Habaar haw yaraadee

Intuu halis waxyeeshiyo

Shiddo kaga hagoogtaye

Duqa ballo ka hayn jirey

Hadal tiro ma fiicne

Inta uu hawlo qaban jirey

Habrro iyo islaamiyo

Haween iyo marlay dumar

Haddii ay yidhaahdeen

Annaga u heegana

Horta qar iska tuuriyo

Hawa beena weeye

Bal halkay wax mariyaan

Had danbaynu faaleyn.

Afartaasi hannadoow

Waa hebel-warkiisiyo

Hal-muceedyadeediisii

Waxsey Heesta Curatiyo

Hawraartu sii tidhi

Xisbigii hoggaanshaha

Waakan haykalkiisii

Hugunkiyo sawaxankiyo

Ka hulaaqay buuquye

Yaa hadimadaa wada?

Oo hay’abadii tirey

Ama Dilay hab-dhaqankii

Horre loogu xilan jirey

Hurinhurin Wasiirii

Intay xilalkii hiifeen

Waatan ay hareeraha

Huudhigii ka daateen

Hor kacaayay odayguye

Mashaqada hureysiyo

Holac iyo dab kaa baxay

Yaa garaadka hodankaa

Ugu hagar-baxaayo

Hawl-yaraan u damin kara

Hadaan been la sheegayn

Halka ay mareysaa

Maaha tay hablaha iyo

Yaqaaneen haweenkuye

Yaa tallo haboono

Hufan keeni kara tallow

Cudur hoosta jirayoo

Muddo huursanaa-baa

Qarxay oo hugmaayee

Yaa hoomaydaa iyo

Hargabkaa daweyn kara?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here