Wasiiradii is casilay iyo siyaasiyintii la socday oo shiar u socdan.Madaxtooyada oo aan dib uga daba iman iyo Bulshada oo sugaysa halka ay u diga rogtan

0
586

Hargeysa(QYN)Siddeed maalmood ayaa laga joogaa markii la qabtay shirkii golaha dhexe, waxaana siddeedaas maalmood madaxtooyada iyo xayndaabka xisbigaba ka sii maqan masuuliyiin iyo siyaasiyiin xisbiga iyo xukuumaddaba muddo dheer ka tirsanaa.

Siyaasiyiintan oo isugu jira wasiiradii is casilay iyo xubno ka tirsan hoggaanka xisbiga iyo shirguddoonka golaha wakiilada, ayaa waxa ay ku bahoobeen magaca ah ‘Isbahaysiga dimuqraadiyadeed ee KULMIYE.”, waxaanay ku gudo jiraan shir doceedyo ay kaga tashanayaan xaalada siyaasadeed ee ay ku suganyihiin iyo xalka ay ka gaadhi karaan mustaqbalkooda siyaasadeed. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi ma jiro go’aan rasmi ah oo ay gaadheen, inkastoo mararka qaar la soo jeediyay in la saaro guddi xaqiiqo raadis ah oo aakhirka isugu biyo shuban doonta go’aan ka gaadhista mustaqablkooda siyaasadeed.

Geesta kale, madaxtooyada iyo xisbiga KULMIYE ayaa 8 maalmood ka dib aan weli ka daba tagin xubnahan isbahaystay oo miisaan ku lahaa xukuumadda iyo xisbigaba, waxaana ay madaxtooyadu xubno ka tirsan isbahaysigan culays ay ku soo dhawaynayso saartay maalmihii shirkii golaha dhex ee KULMIYE qabsoomidiisa ka horaysay, laakiin wixii ka dambeeyay shirka ma jiro wax wada hadal iyo dedaal ah oo ay madaxtooyada iyo madaxda KULMIYE kaga daba tagayaan siyaasiyiintan isbahaystay. taas oo lagu macnayn karo in siyaasiyiintan ay ka maarmeen.

Laakiin taas beddelkeeda waxaa si aad ah loo dareemayaa dadaal ay xisbiyada mucaaradku ugu baratamayaan kasbashada iyo soo dhoweynta siyaasiyiintan , dad badan ayaana saadaalinayaan in xisbiga ay u tagaan ay awood cod iyo miisaan siyaasadeed ku kordhin karaan.

Waxa uu Geeska Afrika helay warar sheegaya in murashaxa xisbiga UCID Md. Jamaal Cali Xuseen uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah masuuliyiintaas isbahaystay, in kasta oo aan la ogeyn meel ay wada hadalladu gadheen, , dhinaca kalana guddoomiyaha Wakiillada iyo WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa ay isna wararku sheegeen in uu xidhiidho hoose la sameeyey qaar ka mid ah siyaasiyiintan. Si kastaba ha ahaato ee waxaa la sugayaa maalmaha soo socda iyo halka ay geeddigan furaan masuuliyiintan oo u muuqda kuwo ay ka go’an tahay in ay ugu yaraan imika aragti midaysan ka lahaadaan tallaabada xigta ee ay qaadayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here