MADAXWEYNE AXMED SIILAANYO IYO WASIIRKII HORE EE MADAXTOOYADDA XIRSI OO KULAN GARNAQSI AH JILBAHA IS DARAY

0
770

Hargaysa(QYN):-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan , ayaa la sheegay inay iskugu yimaadeen kulan qarsoodiya oo saacaddo badan qaatay, waxaanna kulankaas aad loogu lafo-guray waxyaabihii ay ku kala fogaaddeen, isla markaanna sababta u ahaa innuu Wasiirka Madaxtooyaddu uu Xilkaas ka tago. Inkastoo aannu jirin war rasmiya oo ammuurtaas ku saabsan oo ka soo baxay labaddaa dhinac ee kulanku dhex-maray, haddanna ilo wareedyo si fiican ula socday kulankaas ayaa Shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com, u xaqiijiyay in Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo iyo Wasiirkiisii  hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan ay iskugu yimaaddeen kulan garnaqsi ah, kadib markii ay ku kala fogaaddeen taageeradii uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo la garab istaagay  Guddoomiyaha Xisbiga kULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo markaas loollan adag ugu jirey jagadda Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigaas,
waxaanna aragtiddaa Madaxweynaha si cadho leh uga biyo diidday Wasiirkii hore  Madaxtooyadda Xirsi  Cali X. Xasan oo isagu aragti ahaan
aaminsannaa in lagu tartamo jagadda Murashaxa Xisbiga KULMIYE,  sida uu dhawr jeer Warbaahinta u sheegay, balse waxa uu ka mid ahaa Xubno u
olalaynnaayay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo u ordaayay murashaxa jagadda Madaxweynaha ee Xisbigaas, hase yeeshee
Wasiir Xirsi markii ay dhinaca Madaxweynaha uga muuqan wayday inaanu raali ka ahayn Saaxad lagu tartamo, waxa uu go’aansadday innuu Xilka wasiirnimo iska casilo, iyaddoo ay Wasiir kale oo badanna go’aankaas la qaateen oo ay mar qudha is wada casileen. Warku waxa uu intaas ku daray in kulanka Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Mr. Xirsi ay ka soo shaqeeyeen Xubno ka midda beesha ay ka soo jeeddaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Xirsiba, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyey isaga dab- qaaddaayay labadda dhinac-ba sidii ay iskugu soo dhawayn lahaayeen, isla markaanna isku soo hor fadhiisin lahaayeen Madaxweynaha iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda oo  ahaa qofka ugu dhaw Madaxweynaha Somailand Axmed Siilaanyo. Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan ayaa la sheegay inay kulankaas aad iskugu soo dhawaaddeen, waxaanna wararka aannu helnay ee kulankaas la xidhiidhaa sheegayaan in Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Mr. Xirsi loo balan-qaaday jagadda Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland, kadib marka uu xilkaas banneeyo Guddoomiyaha xilkaas haya Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal), oo la sheegay innuu qorshaynnaayo sidii uu banayn lahaa booskaa Guurtida, balse inta aannu Xilkaas bannayn waxa uu Qorshuhu yahay in Md Xirsi uu ka mid noqdo Xubnaha golaha guurtida Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here