Maayar Muraad Oo Sheegtay Guusha Guryo Lacagta Lagu Dhisay Ganacsato Laga Sawiray

0
527

 

(QYN):-Maxamed Yuusuf Muraad, Maayarka Magaaladda Burco ayaa maalintii shalay waxa uu Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Mud. Cali Maxamed Waran Cadde ku wareejiyay guryo uu ka been sheegay cida maal galisay isla markaana si aan ka gabasho lahay uu isagu guudka u saartay hirgalintooda.

Guryahan oo Tiradoodu dhammayd Lix iyo toban guri “16” oo loo yagleelay ciidamadda Booliska Gobolka Togdheer ayaa waxa dhismohooda fuliyay Ganacsatadda waawayn ee Magaladda Burco gaar ahaana suuqa Bacadleyaasha oo lacag tiro badan lagaga sii amaahday si guryahan marka lacagtooda lagu dhiso iyagana loo siiyo guryihii hore ee Booliska oo ay deggan yihiin Saraakiisha Booliska Gobolku Balse Ganacsatadda iyo dadkii Goobjooga ka ahaa Guryahan markii xadhiga laga jaraayay ayaa fajac, iyo layaab waxa ku noqotay markii Maayirka Burco ka dhigtay wax qabad uu ku faanay, sheegayna in uu hir galiyay Golihiisa deegaanku.

Maayirka Magalladda Burco Maxamed Yuusuf Muraad oo ka hadlayay Wareejinta Guryahaasi ayaa waxa uu yidhi “Halkan wasiir, iyo janaraale, waa lix iyo toban guri oo aanu udhisnay Ciidanka Booliska Gobolka lix iyo tobankaas guri muddo ayay soconayeen anaga ayaana fulinay ka dawlad hoose ahaan waxa aanu ugu tala galay Saraakiisha Booliska iyo Saraakiil Xigeenadda inay halkani hoy u noqoto, markaa halkan waxa aanu saaka (Shalay) kugu wareejinayna lix iyo tobankaas guri” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Maayir Muraad.

“ Guryahani nooguma jiraan miisaaniyadda Action Plan-kana nooguma jiraan, Dad ganacsato ah ayaa lacag laga qaaday oo logu balan qaaday in lasiiyo ama laga iibiyo Guryihii Saraakiisha Boolisku deganayeen” sidaas waxa yidhi mid kamida Xildhibaanadda Golaha degaanka Burco oo magaciisa ka gaabsaday.

Maayir Maxamed Muraad ayaa Wareejinta Gurayahan Cusub waxa uu dhabaha ugu sii xaadhaya siidii uu Xaraash u galinlaaha Guryihii Booliska ee Magaaladda Burco, taas oo badelkeedana uu doonayo in uu ku sheego wax qabad uu ka samaynaayo magaaladda oo wadooyin loogu dhisaayo balse halmilyan iyo dheeraad lacagta Dollar-ka ah ooh ore loogu iibiyay Golihii SHeekh Bashiir, laguna magacaabay in lagu dhisaayo wado sagaal kiilomitir ah oo dhex marta Magaaladda Burco gudeheeda ayaan ilaa hada la hir galinin marka laga reebo Sadex kilo mitir iyo Badh, oo kala badhkii wadada ka yar.

Magaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, isla markaana ah Caasimadda Labaad ee Somaliland ayaa dawladihii hore ee Dalka soo maray waxa ay ka badbaaday Xaraashka iyo iibinta dhulkii Danta Guud, Balse beryihii ugu danbeeyay ayaa Dawladda Hoose ee Burco Xaraash ladaba taagnayd goobihii Mucayinka ahaa ee Danta Guud.

Waxa laga dhursugayaa oo aan ilaa hadda ka hadlin xaraashka Dawladda Hoose ee Burco, Madaxtooyadda Somaliland oo ah halkii dalka ugu saraysay isla markaana umadda Somaliland iyadu uga wakiila ilaalinta hantida Ummadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here