Muuse Biixi Oo Balan Qaadkiisii Ugu Horreeyay U Sameeyay Beesha Maxamed Kaahin Wuxuu kala doortay Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashi ka uu Xisbiga ku wareejinayo

0
637

muse bixiHargeysa (QYN):- Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka talada haya ee KULMIYE ahna Musharaxa jadaga Madaxweynaha ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi,ayaa balan qaadkiisuu ugu horreeyay u sameeyay beesha Maxamed Kaahin Guddoomiye ku-xigeenkiisa koobaad oo uu u caddeeyay madaxdhaqameedkoosa in uu ku wareejin doono Xisbiga Hoggaankiisa marka uu ku soo baxo Madaxweynaha dalka.

Kulan ay fool ka fool isugu arkeen Guddoomiye Muuse Biixi iyo Madaxdhaqameedka iyo odayaasha Beesha Maxamed Kaahin iskuna waydiiyeen arrimo la xidhiidha mustaqbalka labada kornayl iyo waxa u qorshaysan marka talada dalka ku guulaysto ayaa u sheegay odayaasha in hammigoodu uu yahay in ay dalka Xukumaan isla markaana ay ku guulaystaan taasoo uu sheegay in ay u marayaan dariiq isku duubni ah oo ay talada ku wadaagayaan isla markaana uu Maxamed Kaahin ku wareejin doono marka uu talada ku guulaysto walibana ku dedaali doono in uu Maxamed Kaahin talada dalka uga dambeeyo marka uu muddo xileedkiisa dhamaysto taasoo uu ku sheegay in uu doonayo in ay labada Kornayl ku wada socdaan marxalad kasta.

Dhawaaqa Muuse ayaa waxaa durba soo baxay dareenno mucaarid oo ka soo hor jeeda oo kaga imanayana isla garabkiisa taageersan taasoo uu ugu horreeyo sida ay wararku shreegayaan in Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo hore Muuse aad ula soo shaqeeyay iskuna waday booska uu Maxamed Kaahin ugu balan qaaday in uu hantiyi doono,ayaa ku bilaabay diidmo qayaxan oo xisbiga garabkii wada socday ka digtay laba garab oo imika dagaal siyaasadeed cusubi ka dhex curtay.

Taageerada Beesha Bariga Burco ee KULMIYE ayaa hore qayb wayni uga baxday ka dib markii uu iska casilay Xukuumadda Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka soo jor jeeday Muuse Biixi.tallaabada labaad ee uu kaga soo hor jeestay Maxamuud Xaashi Muuse Biixi waxay noqonaysaa dhaawac hor leh iyo mucaaradad ku bilaabantay hoggaaminta Muuse ee hankiisa musharaxnimo.

Muuse Biixi ayaa looga fadhiyaa in uumaareeyo mushkiladaha ka dhex dilaacay garabkii wada taageersanaa oo isku seegay durba labada faq ee uu kula kala socday Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashi oo uu labadaba balan qaadyo hore u sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here