“Xukuumadda Waxaan Leeyahay Ina Biixi Iyo Saylici Malaha Lacagta Aad Taageerada Ugu Raadinaysaan Ee U Tudha Lacagta Qaranka Haddii La Waayey Hanti-dhowre.”Xil Dheeg –

0
469

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka ah Mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa ka xumaaday dhaqaalaha Xukuumaddu ku bixinayso taageerada Madax-dhaqameedka, Odayaasha, Haweenka iyo dhallinyarada Gobollada Dalku maalmihii u dambeeyay sheegayeen inay la garab taagan yihiin Musharraxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenka ee Xisbul-Xaakimka KULMIYE.

XildhibaanXildhibaan Dheeg oo ka tacajabay Waxgaradka, Haweenka iyo dhallinyarada Gobollada qaarkood ee tan iyo Markii Golaha dhex ee KULMIYE lagu doortay Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici Warbaahinta la taagan Hambalyada iyo inay taageersan yihiin Musharraxiinta la doortay, ayaa tilmaamay in dadkaasi mashquuliyeen Warbaahinta Dawladda isagoo Xukuumaddana ku eedeeyay inay dhaqaalihii Ummadda wax loogu qaban lahaa u leexisay Odayaasha iyo dadoo uu xusay in la jeclaysiinayo Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka KULMIYE.

Mudane Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo Xalay khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Himilo, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “ilaa Maalintii huteelka Maansoor ee Hargeysa lagu qabtey shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE waxa Gobollada dalka oo dhan ka socda Haween, dhallinyaro, odayaal iyo Ummaddii oo dhan oo la leeyahay halkaa ka qadeeya oo yidhaahda ciddaa ayaanu taageersanahay. Idaacadda Radio Hargeysa iyo Telefiishannadii ma dhageysan kartid oo waxa ka socda Waxgaradkii, Odayaashii iyo Haweenka meel heblaayo oo Hambalyeeyay labadaa Nin (Saylici iyo Muuse Biixi), waxaa kharashka ku baxayaa waa lacagtii Qaranka ee la doonayey in dadka iyo dalka wax loogu qabto, waa lacagtii Cashuurta looga qaaday Masaakiinta Basasha iyo Xabuubta iibiya. Waa Lacagtii lagu samayn lahaa Waddooyinka Togaggu ka dilaaceen, waad aragtay Waddada Madaarka tagta ee Muraayadda Magaalada ahayd marka Roobku da’o waxay noqotaa Dhijaamo, Waddooyinka kale waadigaa arkaya siday u burbursan yihiin, Mujaahidiintii Dalka u soo dagaalamay iyo Agoontii waadigaa arkaya (baahidooda) lacagtaasina waatii wax loogu qaban lahaa, waa Lacagta Hargeysa ka biyo la’dahay.”

Xildhibaan Dheeg oo sii hadlaya ayaa sheegay in lacagta uu sheegay in Xukuumaddu taageero ugu raadiso Muuse iyo Saylici aanu lahayn KULMKYE, “Waxaan leeyahay Ciyaarta ha laga daayo Lacagta Qaranka ee lagu loofarayo oo ha laga daayo sharci-darada wax lagu taageerayo. Waanu arkaynaa Lacagta baxaysaa inay tahay Lacagtii Qaranka oo maaha lacag meel kale laga keensaday, lacag KULMIYE leeyahay maaha, lacag ina Biixi iyo Saylici leeyihiin maaha oo waa lacagtii Qaranka.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inuu ka damqqanayo in dhaqaalaha Ummadda ka dhexeeya si gaar ah loo adeegsado, “Waanu ka damqanaynaa (Lacagta) oo ummad haraad u wada go’aysa ayaanu wakiil ka nahay, beebabka biyaha ee ka imanaya Geed-deeble iyo Xumbo-weyne wixii lagu soo jeexi lahaa ee aanu Magaalada ku keeni lahayn ayaanu la’nahay ayay leeyihiin.”

Xildhibaanka oo la waydiiyey cidda uu ku eedeynayo inay dhaqaale taageero ugu raadinayso Muuse iyo Saylici, ayaa ku jawaabay, “Arrinkaa waxaan ku eedaynayaa Xukuumadda oo samaysay sharci daradii KULMIYE ku kala faliidhmay kan imikana wadda, Xukuumadda waxaan leeyahay dadka laguma jeclaado waxaa jeclaada ee waxa la jecel yahay dadkaa arka oo jeclaada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in lacag badan baxday dedaallada uu tilmaamay in Xukuumaddu taageerada ugu raadinayso Musharraxiinta KULMIYE ee lagu doortay Shirkii Golaha dhexe, “Lacagta ku baxday arrinkaa waxaan ku qiyaasayaa inay tahay dhowr Milyan oo dollar.”

Xildhibaanka oo la su’aalay waxa uu hore uga hadli waayey arrimahan maadaama aanay wax cusub ahayn in dad weji ku macaash ahi cid taageeraan, ayaa ku jawaabay, “Anigu illaa ina Cigaal ma arag qof markii la doortay bil dhan loo xidhayo Magaalooyinka iyo Huteellada tan mooyaane, markaa waxaan leeyahay Lacagta dalka ha loo tudho haddii la waayey Hant-dhowre guud oo deba-gala oo Hanti-dhowrihii noqday nin u shaqeynaya nin kale. Waxaan leeyahay ha laga xishoodo hantida ummadda ee sida badheedhka ah loo baa’biinayo.”ayuu yidhi, oo uu hadalkiisa ku soo koobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here