Mid Ka Mid Ah Beelaha Gobolka Sanaag Oo Ka Hayaantay Xisbiga KULMIYE Iyo Sababaha Ay U Aaneeyeen

0
592

Hargeysa (Qoryaalenews)-Siyaasiyiinta iyi salaadiinta beesha Ba Muxumed Biciide oo ka mid ah beelaha dega gobolka sanaag ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay ka baxeen xisbiga KULMIYE kadidb markii ay sheegeen inay xaqii ay lahaayeen ka waayeen xisbiga iyo xukuumadda KULMIYE.

f32fcbee-c68a-4c33-9b88-8ba46d4a7661
Axmed Cabdikariim Ducaale (Walhad) oo ah guddoomiyaha arrimaha siyaasadda ee beeshaas oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Beesha Ba Muxumed Biciide waxay waligoodba ahaayeeen KULMIYE doorashooyinka kasta beeshu codkeeda boqolkiiba boqol ayay kulmiye u codayn jirtay, laakiin waxaa nasiib darro ah inaanay beeshu xisbiga ka helin xaqii ay lahayd ee ay ula sinayd beelaha kale ee gobolka degan, waxaa jiray laba cee loo laga qoday deegaanka Ceel-afwayn si biyo loogu helo deegaanka beesha labadaasi ceel mid ayaa ahaa ceelka labaad ee ugu biyaha badan Somaliland balse nasiib darro manta labadaas ceelbay way fadhiyaan, masuuliydaasna waxaa leh raga xukuumadda ku jira ee beesha ku abtirsada, ee dawladda ku jira” waxaana uu intaasi raaciyey “ Maanta waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanu gabi ahaanba ka baxnay xisbiga KULMIYE aananu ka tashan doono xisbiyada qaranka ka aanu u digo rogan doono, beeshani waxay degtaa illaa 350km oo isku wareeg ah waxaana ka mid ah, Ceerigaabo, Ceel-afwayn, Dur-dur, Ceeryaan, Godcaaneed, Kalshiib, Bixin, Kaldaray, Kamuuda, Cillaamo iyo deegaanmo kale markaa beeshani waa beel codkeeda lagu xisaabtami karo”.

8ac4276a-1169-48d9-ae52-e57312bfa810
Suldaanka guud ee beeshaasi Suldaan Kayse Xasan Cabsiiye (Kayse dheere) ayaa sidoo kale ku baaqay shir deg-deg ah oo beeshu isugu timaado sannadka dambe horaantiisa, si buu yidhi looga tashado aayaha beesha, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “sababta aanu KULMIYE uga baxnay waa la garanayaa iyo cidda ka dambaysa inaanu ka baxno, waxaa ka dambeeya raga xukuumadda ku jira ee horumarka hortaagan ee beesha ka soo jeeda ee laabta garaacaya marka meel dalwadu ku shirayso deegaanka lagu soo qaado, waxaan sidoo kale ku baaqaya inay beeshu shir isugu timaado, bisha afraad ee sannadka dambe si aynu uga tashano aayaheena gude iyo dibad-ba” ayuu yidhi suldaan kayse dheere.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here