Maxaad Ka Ogtahay Fadeexadaha iyo Fashilaadaha Hadheeyay Xafladii Kulmiye Ee Ka Dhacday Hoteelka City Plaza Ee Burco ? Warbixin

0
1064

Fadeexado kala duwan iyo Guul-darooyin siyaasadeed ayaa ku habsaday Xafladii Hogaanka Kulmiye Burco ku qabtay xalayto ,si uu uga jawaabo ,Dhoolatuskii duufaanka ahaa ee ay Burco ka dhigeen Waftigii Isbahaysiga Dimuqraadiga Xisbiga Kulmiye ee uu horkacaayay Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu Xirsi Cali X. Xasan ,kuwaasi oo dadweynaha reer Togdheer ku soo dhaweeyeen taageero aan hore gobolkaasi loogu arag.

Xafladan oo qaban-qaabadeedu Magaalada Burco laga waday maalmihii u danbeeyay isla markaana lagu qarash-garaynaayay Lacago ka badan $ 20000 Doolar ayaa baaqatay mudo Sedex jeer ka dib markii la waayay cid ka soo qaybgasha isla markaana soo dhawaysa masuuliyiin sar sare oo Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda ka tirsan oo la doonaayay in ay Burco yimaadaan.

Marka Kowaad Xafladan ayaa la yidhi waxa ka soo qaybgalaaya oo Burco imanaaya Marwadda Madaxweyanaha Aamina Waris ,waanay beenowday taasi.

Marka Labaad Xafladan ayaa la yidhi ,waxa ka soo qaybgalaaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ,taasina way beenowday.

Marka Sedexaad Xafladan Kulmiye ayaa la yidhi ,waxa ka soo qaybgalaaya Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ,taasina way beenowday oo Burco may iman .

Sidaa darted baaqashadda Hugaankan Kulmiye ee ah Askarta is-doortay iyo Madaxdan Dawladda ka tirsan Xafladan Burco ku iman lahaayeen ayaa baaqday sida soo ifbaxday ka dib markii ay ogaadeen in aan dadweynaha reer Burco soo dhawaynaynin wax taageero ah-na aaney u haynin isla markaana taageersanyihiin isbahaysiga Dimuqraadiga ah ee Xisbiga Kulmiye.

Waxaaney taasi sababtay in la kala diro Fardihii iyo Awrtii loogu talogalay in Masuuliyiintan lagu soo dhaweeyo .

Geesta kale Xaflan xalayto lagu qabtay Hoteelka City Plaza ee Magaalada Burco ayaa markii la waayay taageerayaashii Xisbiga Kulmiye lagu yaqaaney ee gobolka Togdheer , waxa ka soo qaybgalay dad iskugu jira Dumar ,Ciyaal, Lacago loo qaybiyay iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka Burco oo aan Xisbiga Kulmiye ahayn.

Waxaaney arimahan oo dhami cadaynayaan sida aaney bulshadda reer Togdheer ama taageerayaasha Xisbiga Kulmiye u doonaynin Hugaamiye Askari ah oo Xisbiga Kulmiye Musharax u noqda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here