War Deg Dega” Maxaa kala Qabsaday Muuse Biixi(Gudoomiyaha-Kulmiye) Iyo Shaqaalaha Huteelka Damal.

0
712

Hargaysa(QYN)Hargaysa(W,N)-Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbi Xaakimka Kulmiye ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa,si adag oo qardoofaad leh ula dhaqmey Shaqaalaha Huteelka Damal ee Magaalada Hargeysa Kadib markii mid kamid ah inamada Huteelka u qaabilsan dhinaca Amaanku joojiyay Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Kulmiye taas oo uu siweyn uga xanaaqey islamarkaana, uu dagaal adag ku waajahay Shaqaalaha. Amintu waxey aheyd wakhti ku began xiligii Salaada Duhur abaaro 12;30 Saacada Afrikada Bari Laakiin sida wararka Xogogaalka ahi sheegayaan waxa soo kala gaadhey qardoofada Gudoomiye Muuse ku ekaysiiyay Shaqaalaha Huteelka Damal ee Magaalada Hargeysa mid kamid ah shaqaalaha Huteelka oo garanayay Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ee dhawaan loo cumaamaday Murashaxa Jagada Madaxweyne Huteelka Damal oo kuyaala xaga sare ee daarta wayn ee Baanka Dahabshiil ee badhtamaha Caasimada Hargeysa,waxa ay sida sharciga Huteelka Damal uyaala Shaqaalaha dhinaca Amaanku ka dalbadeen Gudoomiye Muuse Biixi in ay baadhaan haseyeeshee, arintan Ayaan marnaba u cuntamin Muuse Biixi oo uu siweyn uga dagaalamay inkastoo uu kasoo gaadhey khilaafkan dhex marey Shaqaalaha iyo Gudoomiyaha mid kamid ah Shaqaalaha iyadoo xaaladu gaadhey mid uu siweyn uga cadhoodey oo ka lumisey Gudoomiyaha Kulmiye kalsoonidii iyo Deganaanshihii labadaba. Inkastoo Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi u gudbey Gudaha Huteelka Damal haseyeeshee, waxa uu arintan uga dacwooday Mulkiilaha Huteelkaasi Maxamed Siciid oo isla markiba waaxa hudhelka soo gadhay mid ka mida madaxda sare shirkada oo lagu magacabo Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo isla markiba shaqadi ka eryay afar kamida shaqaalihi huteelka iyadoo ay shaqadoodii ku waayeen Shaqaalaha ka dalbadey Gudoomiyaha Kulmiye in ay baadhayaan sida sharciga Huteelku dhigayo.Ilaa iyo hada lagama Warqabo in Shaqadii lagu soo celiyay islamarkaana, digniin la siiyay Shaqaalaha amaanka Huteelka ee joojiyay Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi wali sidhaba looma oga inshaqaalihii shaqadii lagu celiyey iyo inkale .

dhacdadan ayaa noqonaysamid lafjab ku ah masuul umada madaxwayne ka doonaya oo ku dacwaynaya bulshadii uu masuulku ka saarnaa gudashada hawlahoodii shaqo, balse maaha markii ugu horaysay ee Muuse Biixi iyo Isqabsadaan Qof muwaadinah oo gudanaya hawlmaalmeedkiis, mudo hore ayay ahayd in sidaa si leegay isku qabsadeen ASKARI Magaalada Tog wajaale shaqadiisa gudanaya oouu Muuse Biixi ku Qoonsaday Muxuu ii joojiyay,islamarkaana uu shuruudka dhigay in loo Xidho Askariga dhacdadaas oo Maxamed Kaahinmarkjhaati ka ahaa waxa loo taxaabay Askarigii.,Waxaa sido kale dhacday Shirki goolaha Kulmiye Magaalada Burco ka dhacay ayaa Muse Bixi soo Galay Hutel Plaza Burco ka dib waaxa is idhi badh inamadi amniga qabilsana Ee tagna kadinta .muse Bixi waa diday waanu ka noqday hudheelki .waa laga daba tagay in la lad qabeeyo wuu diday isaga oo ku tirabaya ma aniga ayaa lay badhaya.
musharax muse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here