Faalo: Guuldarooyin Siyaasadeed ee Dul Hoganaya Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi

0
622

Qormaddii 2aad, Waxa aynu qormadeenan labaad kusoo qaadan doona dhacdooyin ku gaddaamnaa shirkii golaha dhexe ee Kulmiye, kaasoo sida laga warqabo ahaa mid wax weyn uu dhimaaya nidaamkii Dimuquraadiyadda Somaliland ka hanaaqaaday. Haddaba, Tani markii uu qabsoomay shirkii golaha dhex kulmiye ee loogu cumaamaday musharaxnimada muuse biixi iyo saylici, waxa isa soo taraysay guul darooyin hor u leh oo soo wajahday musharaxa iyo waayaha siyaasadeed ee maanta horyaala.

Hanka musharaxiinta uu tartamaysa jagada madaxweynaha waxay ku xidhantahay qaabka uu musharax kastaa u maro helitaan quluubta shacabka Somaliland, hadaba musharax kulmiye siyaasadiisu waa mid ah reer hebel baa I wata ee codka halaysiiyo, taasina waxay laf jab ku tahay hanaanka dimuqraadiyada ee doorashada ilayn waxa la dooranayaa maaha gole deegaan maaha baarlamaan ee waa madaxweyne kolkaa nin ku kaambayn garaynaya reer hebelbaa I wata, adeer reer hebel madaxweyne laguma noqdo, inagoo og halka laga taagan yahay muuse biixi waliba beesha muuse kasoo jeedo oo kaliya, waayo muuse wuxuu dibada dhigay ragii beeshiisa ahaa ee miisaanka culus ku lahaa kulmiye oo ay kamid ahaayeen kuwii codadka ugu badan u keenay xisbiga kulmiye, muuse waxaynu ognahay maanta inuu fara madhan ka taagan yahay musharaxnimadii magacxumada ku reebtay ee loogu cumaamaday shirkii kulmiye, talaabadaasi waxay noqotay mid uu muuse u qaaday dhinaca guul darada.
Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo bishii u danbeyey ku hawlana kullamo is-daba joog ah oo la yeelanayey Odayaasha iyo waxgaraadka Beesha Koonfurta Hargeysa, ayaa intooda badani kusoo dhamaadeen guuldaro, isla markaana la isla gaadhay in aan Beesha Ciidagale Cod u hayn Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi. Sidoo kale waxa muuse shaanbad ku noqotay kaambayn meeqaamkiisu hooseeyo oo uu ka bilaabay xaafadaha magaalada hargaysa sida Gobonimo iyo Ganad, taasi waxay dibada usoo saartay marin habawga siyaasadeed eek u gadaaman musharaxa, muujisayna inaanu ahayn nin Somaliland wax ka doonaya ama wax u haya, waxa xaqiiq ah in hanka muuse oo la meeqaam noday nin doonaya Mayor ama xidlhibaan gole deegaan oo aan u qalmin madaxweyne nimo.
Musharaxa kulmiye waxa lasoo daristay mucaaradad adag oo kaga timid alabaab badan oo uu garaacay taasna wax sababtay nidaamka uu u maray ee uu bulshada taageero kaga doonayo, jawaabaha laga falceliyay kaambaynka muuse waxay ahaayeen qaar waaqaca ku salaysan oo xasuusinaya ficiladii muuse ku maroorsaday shirkii golaha dhexe ee kulmiye iyo laysu joojin mayo kaas oo uu dibada dhigay miisaankii xisbiga. Musharaxu waxuu ku qanacsanyahay qaabkii loo doortay oo uu la shir tagay,taasina waa daahir yaa shamis cid walba ka dharagsantahay. Bal akhriste adigaba aan kuu dhiibee talaabadaasi ma tahay mid taageero lagu heli karo?
W/Q

Qaasim Abokor Cali
qaasim4422@gmail.com
Hargeysa/somalilandmuse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here