(QYN-Hargaysa) Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa gurigiisa wuxuu ku booqday Xaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo xanuun u jiifa hadda

0
609

Guddoomiyaha Xisbiga WADANI oo ay weheliyaan sarakiil ka tirsan Xisbiga, ayaa xaajiga booqasho xaaladiisa ogaansho ah ugu tagay, waxayna alle uga baryeen inuu Caafimaad sareecana siiyo.
Geestiisa Xaji Cabdi Waraabe ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Mud. Cabdiraxmaan Cirro booqashada uu ugu yimi, Xaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa ah Xildhibaanka ugu da’da weyn laba Gole Baarlamaan, isagoo sidoo kalena ah Samo Talis alle cimri dheer hibo u siiyay. Bahada Somalilandtoday Media Group waxay alle uga baryaysaa inuu xaajiga cimriga u barakeeyo Caafimaadna siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here