Gudoomiye Muuse Biixi oo Cunsuriyad iyo Dagaal Badheedh ah Kula Kacay Wasiir Ku-xigeenka arrimaha Dibeda Madaxtooyadda dhex-deeda

0
456

Hargeysa(Qoryaalenews.com)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dagaal qaawan iyo handidaad aflagaado ah kula kacay Madaxtooyadda dhexdeeda Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibeda Axmed Aadan Ismaacil (Axmed Keyse) oo waqtigaas ku sugnaa sabootinta shirkii Safiiradda oo kullankii uu danbeyey madaxtooyadda ka dhacay.

Hargeysa(Xogreebnews)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dagaal qaawan iyo handidaad aflagaado ah kula kacay Madaxtooyadda dhexdeeda Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibeda Axmed Aadan Ismaacil (Axmed Keyse) oo waqtigaas ku sugnaa sabootinta shirkii Safiiradda oo kullankii uu danbeyey madaxtooyadda ka dhacay.

Gudoomiye Muuse Biixi, waxa uu intii aanu furmin shirkaasi weedho turxaan iyo cuqdi ka buuxo dabada uga galay Wasiir ku-xigeenka oo ku gudo jiray barnaamijka shirka iyo ajandihiisa. Warar laga helay qasriga madaxtooyadda ayaa shaaca ka qaaday in Gudoomiye Muuse Biixi wasiir ku-xgeenka ku qaniiney fikirkiisa siyaasiga ah ee la xidhiidha xilligii loollanka adaagi ka dhexeeyey wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Md. Maxamed Biixi Yoonis, oo waqtigaas uu taageero uu muujiyey Wasiir ku-xigeenka Axmed Keyse.

Gudoomiye Muuse Biixi ayaa wasiir ku-xigeenkaas ku caayey haddallo u dhacaayey sidan. “war-sowkan kii xunka ahaa ee Udubtii liidatay ahaa, adeer waxaad tahay qof daciif, oo ilaa xad xun”. Sida wararku sheegen markii intaasi afkiisa kasoo baxday Gudoomiye Muuse waxa hadalkiisi markiiba ka jawaabay wasiir ku-xigeenka oo yidhi, “Gudoomiye waa side miyaanad ummadda Codka dooneyn ma waxaad igu haystaa fikirkaygii aan ku raacay wasiirkaygii” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa hadana hadalka kusoo laabtay Gudoomiye Muuse oo ku celiyey Cay iyo aflagaado ilaa nasab gaadhay, “adeer adiga iyo reerkiina xunba Cod iyo cadtoona kama doonayo adiguna waxaad tahay qadhmuun UDUB ka hadheen ah”.markii intaasi afkiisa kasoo baxday ayaa sida la sheegay waxa madasha markiiba Xaal iyo raaligelin kula kacay wasiirka arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire iyo qaar kamid ah Safiiraddii Madasha Fadhiyey.

Sidoo kale, wasiirka iyo martidi madasha fadhiday waxa ay afka kaga dhaceen Musharrax Muuse Biixi oo ay uu sheegen inuu si Bini-aadanimada ka baxsan uu ula dhaqmay wasiirka.

Si kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa ahayd mid cunsuriyad ah oo uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi kula kacay shaqsi ka afkaar duwanaa oo la safnaa Musharraxiintii uga xaajiray Xisbiga, isagoo sidoo kale-na dhacdaadani ku tuseyso in aanu muuse Biixi Cabdi weli ilaabin cidkasta oo kamid ah Xukuumadda oo kasoo horjeeday waqtigii uu ololeha ugu jiray Musharraxnimada xisbiga Kulmiye arrintaasoo madaxweyne Axmed Siilaanyo taageero gara istaag ah la garab joogsaday Guddomiye Muuse. Taasoo aakhirkii keentay in Xukuumadda Madaxweyne siilaanyo ay iska casilaan kooxo wasiiro ah oo tiro badan.

Qoryaalenews.com

Office Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here