Muuse Biixi Oo Socdaal Uu Ku Tegi Lahaa Gobolada Barriga Ka Maagey,Xili Taageereyaashii Isbedel Doonku Mudoharaadyo Ay Kaga Soo Horjeedaan Ka Abaabulayeen Magaalada Burco.

0
578

Hargeysa(QYN)Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa safar olole taageero doon ah oo uu ugu bixi lahaa gobolada Barriga Somaliland ka maagey ,kadib markii ay ka hor yimaadeen fariina soo gaadhsiiyeen kooxo taabacsan garabka is bedel doonka KULMIYE.

Muuse Biixi oo ay horboodayaan kooxo kasoo jeeda Barriga Burco ayaa la filaayey inuu toddobaadkan dhamaadkiisa oo maanta oo jimce ah ku beegan u baxo safar uu ka bilaabaayo magaalada Berbera,isaga oo muddo ku hakanaaya halkaasi,waxaanu doonaayey inuu toos u gaadho magaalada Burco oo ahayd meesha looga gacan haadinaayey.

kooxo cuqaal,waxgarad iyo dhalinyaro isugu jira oo kasoo jeeda beesha Barriga Burco taageereyaalna u ah garabka isbedel doonka Xisbiga KULMIYE ayaa iyaguna dhankooda ka wada abaabul mudoharaad ay doonayaan inay kaga hortagaan guddoomiye Muuse Biixi socdaalkiisa,kaas oo si weyn looga dareemaayo abaabulka muddoharaadkaasi magaalada Burco.

guddomiyaha ayaan maanta ka bixin magaalada Hargeysa,iyada oo ay sidoo kalena hakad gelisay dilkii shalay ka dhacay magaalada Berbera ee lagu dilay taliyihii ciidamada Birmadka gobolka Saaxil,kaas oo xiisad ka abuuray gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here