“Shirkii Golaha Dhexe Kuwii Tagay Ee Uu Xaglatoosiye Ka Mid Ahaaba May Mahadin Oo Wixii Qaylo Ka Dhacaysay Waatii La Arkaayay Markaa..” Xirsi Cali Xaaji Xasan

0
606

Hargeysa (Qoryaalenews)-Wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo waraysi gaar ah siiyey telefishanka Universal ayaa ka hadlay arrimo door ah kuwaasoo khuseeyey noloshiisii gaarka ahayd, xilkii uu dawladda ka soo qabtay iyo iscasilaadiisii.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyey aragtidiisa ku aadan shirkii golaha dhexe ee KULMIYE iyo inuu u hanqal taagayay jagada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE markii uu taasi waayayna uu iska casilay xilkii wasiirnimo.

Ugu horayn Xirsi ayaa ka hadlay inuu kaambayn ugu jiray jagada Guddoomiyaha KULMIYE, waxaana uu yidhi “Wali laygama maqal, ma doonin oo uma kaambayn garayn oo cidna ma waydiisan, rag kale ayaaba ka shaqaynayay oo doonayay oo Cabdicasiis Samaale iyo Muuse Biixi ayaa ka mid ahaa oo sheegay inay u tartamayaan laakiin anigu marnaba maan sheegin, wakhtigaasna murashixiintii saaxadda ku tartamaysay kamaan mid ahayn Guddoomiyenimada KULMIYE-na mabaan haleelayn oo shaqadii wasiirka Madaxtooyada een hayay iyo guddoomiyenimadu ismay galayn markaa taas waxba kama jiraan”

Sidoo kale mar la waydiiyey sababta uu uga baaqday shirkii golaha dhexe ee KULMIYE ayaa waxa uu sheegay inaan kuwii tagayba aanay shirkaasi mahadin, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Aragtida shirkii KULMIYE waa lagu kala duwanaan karaa laakiin Hebel ayaa shirka ka qaybgalay daliil uma noqoto in wixii meesha lagu doortay sax ahaa, dee waadigii arkaayay oo kuwii tagayba ma mahadin oo Xaglatoosiyeba wixii qaylo ka dhacaysay waatii la arkyay ee uu yidhi meesha doorasho kama dhicine hala saxo isaga ayaa ayaana ka ka mid ahaa raggii aanu wasiirada wada ahayn ee asxaabtayda ahaa ee tagay, markaa kuwii tagayba ma mahadin shirkii KULMIYE”

Ugu dambayn Xirsi Xaaji Cali ayaa macneeyey sababata ay isaga iyo asxaabtiisu uga baxeen Xukuumadda balse aanay uga bixin Xisbiga KULMIYE, waxaana uu yidhi “Waxna waa waxa markaas taagan oo ahayd shaqadii aan Madaxwaynaha u hayay waxnaa waa hogaanka mustaqbalka Xisbiga oo aan wadan barnaamij, waxaan maqlyay ragga qaar lahaa barnaamijkii hore ayaanu dhamaystiraynaa malaha kama war hayaanba inaanu dhamaynay oo qodob iyo labo ka hadhsan yihiin, markaa waxaa ii muuqatay inaanan hogaankana ku qanacsanayn nimanka hogaanka isu diyaarinayaa aanay barnaamij-ba wadan”

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidoo kale waxa uu beeniyey inay jiraan shirar ay la galeen xisbiyadii mucaaridka, waxaana uu sheegy inuu wali ku qanacsan yahay xisbiga KULMIYE.

-Xigasho:Wargeyska Somalilandtoday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here