Xubno Taabacsan Guddoomiyaha KULMIYE Oo Dacaayado Lid Ku Ah Ka Faafiyay Wasiirada Ugu Saamaynta Badan Xukuumadda Zamzam Cabdi Aadan.

0
522

Hargeysa (Qoryaalenews)-Xubno kamid ah tageerayaasha Guddoomiyaha KULMIYE ahna Murashaxa Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, ayaa 24-kii sacadood ee ugu danbeeyay waxay si aan kala joogsi lahayn u faafiyeen warar dacaayad ah oo xaqiiqda ka fog, kuwaas oo lagu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo badalaayo Wasiirada Maaliyada Marwo Zamzam Cabdi Aadan, oo ah xubinta ugu saamaynta badan dhinaca bulshada xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo.

Mareegaha Internetka iyo baraha bulshadu ku kulanto ayaa la soo dhigay fariimo iyo wararkaas. Wargayska Somalilandtoday oo isku dayay inuu wax ka waydiiyo Marwo Zamzam Cabdi Aadan noomay suurto galin.
Wararkan laga faafiyay Wasiirada Maaliyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Silaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE isla qaateen in lagu badalo Axmed Xasan Carwo, oo ah la-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca dhaqaalaha. Balse ila wareedyo kala duwan oo ku dhaw-dhaw Qasriga Madaxtooyada ayaa beeniyay gabi ahaanba jiritaanka warkaas.
Wasiirada Maaliyada Marwo Zamzam Cabdi Aadan ayaa kamid ah xubnaha ugu dhaw dhinaca Madaxweyne Axmed Silaanyo.Sidoo kale waxay saamayn xoogan ku leedahay qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo ammaan badan ku kasbatay Wasaarada Waxbarashada oo xilagay Wasiirka ka ahayd ay ka hirgalisay talaabooyin si weyn u taabtay shacbiga, kuwaas oo ay ka mid ahayeen lacag la’aanta waxbarashada aasaasiga ah, dhismayaal tiro badan oo Iskuulo ah kuwaas oo laga dhisay dalka oo dhan iyo kordhinta macalimiintii ugu tirada badnayd intii Somaliland xorriyadeeda la soo noqotay. Sidoo kale waxay dadaal dheeriya ka muujisay Wasaarada Maaliyadda oo ay hadda Wasiir ka tahay.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here