Ma Jirto cid iga Xigtaa Codadka Balli-dhiig, mar Haddii Madaxweyne Siilaanyo aanu Sharaxnayn..”Madaxweynaha Mustaqbalka Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro

0
680

Balli-dhiig(Qoryaalenewscc)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”, ayaa sheegay in aanay jirin cidd ka xigta codadka bulshada ku dhaqan deegaanka Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer marka xilliga doorashada la gaadho, mar haddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” aanu ahayn Musharax u taagan taratnka. Waxaana Guddoomiye Cirro uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey badhtamaha Tuuladda Balli-dhiig, halkaasoo Kumanaan ka tirsan dadweynaha deegaankaas ku dhaqan uu kula hadlayey Saacado ka hor.

Guddoomiye Cirro oo Xalay ku hoyday Magaalada Burco ee xarunta Gobollka Togdheer, kadib markii uu Shalay dalka dib ugu soo laabatay, ayaa saaka hiirtii waaberi ka jar-maade ugu baxay deegaanada diiwaangelintu ka socoto ee Bariga Togdheer, waxaana socdaalkiisa hadda uu ku tegay deegaanada Ina Af-madobe, Qoryaale, War-cimraan, Daddan, Shasha-cadde iyo Tuulada Balli-dhiig, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cirro ayaa intii uu deegaanadaasi marayey, waxa uu kulano is xog-warsi ah oo la xidhiidha arrimaha diiwaan-gelinta, iyo sidoo kale, hab-sami u socodka hawlaheeda uu la qaadanayey waxgaradka, Odayaasha iyo duqeyda deegaanadaas.

Sidoo kale, Guddoomiye Cirro oo hadalayey dadweynaha ku dhaqan Tuulada Balli-dhiiga, ayaa sheegay in aanay jirin cid isaga ka xigta codadka dadweynaha ku dhaqan deegaanka Balli-dhiig, isaga oo arrinta ka hadlaya-na, waxa uu yidhi; “..Ma jirto cid iga Xigta Codadka Balli-dhiig, mar haddii Madaxweyne Siilaanyo aanu sharaxnayn..”. Dhanka kale, dadweynnaha ku dhaqan deegaanka Balli-dhiig, oo iyagu aad u soo dhoweyn Guddoomiyaha iyo wefdigiisa intii ay halkaa joogeen, ayaa Guddoomiye Cirro ka codsaday inuu socdaal kale ku yimaado deegaanka. Geesta kale, wararka naga soo gaadhay wefdiga, ayaa sheegaya in socdaalka wefdigu uu hadda ku jiheysan yahay Tuuladda Duruqsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here