Cabdillaahi Darawal Oo La Filaayo In Loo Magacaabo Wasaarada Arrimaha Gudaha Iyo Saamaynta Siyaasadeed Ee Uu Ku Yeelan Karo Beesha Baligubadle.

0
642

Cabdilaahi Xuseen Iimaan [Darawal] oo jagooyinka Wasiirka Caafimaadka iyo Dibu-dajinta uga soo qabtay Xukuumaddihii Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Dayaale Kaahin, kana mid ahaa hoggaamiyaashi ururkii SNM, ayaa la filayaa in loo magacaabo Waaarada arrimaha gudaha Somaliland. In kasta oo aanu wali jirin war rasmi-ahaan lagu cadaynaayo, hadana sida xogo muhiim ah oo uu  helay Wargayska Somalilandtoday sheegayaan waxaa la filayaa inay soo baxdo Dikreetada lagu magacaabayo Cabdillaahi Darawal marka Madaxweynuhu ka soo laabto safarka uu ku joogo Gobolada Bari.

 

Geesta kale Siyaasiga Cabdillaahi Xuseen Iiman (Darawal) oo hadal haynta xilka Daakhiliga in loo dhiibaayo si weyn laysula dhexmaraayay maalmihii u danbeeyay,  wuxuu kulan gaar ah oo gogol xaadh u sii ah qaadashada xilkaas maalin ka hor safarkii Waftiga Madaxweynaha uu Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Madaxweyne Axmed Silaanyo, ma jiraan warar ka soo baxay kulankaas dhexmaray Madaxweynaha iyo Cabdillaahi Darawal, balse waxaa la soo wariyay in laysku afgartay.

Dhinaca kale Cabdillaahi Xuseen Iiman (Darawal) oo ah siyaasigii ugu mudada dheera xil qabashada jagooyinka Wasiirno  marka loo eego Siyaasiyiinta degaanka Baligubadle, wuxuu saamayn xoogan ku leeyahay qaybaha kala duwan ee Bulshada degaanada Koonfurta Hargaysa iyo Gobolka Hawd, taas oo haddii ay dhabowdo hibaynta Xukuumadda KULMIYE ku siisay kursiga ugu weyn Golaha Wasiirada, ay carqalad kala dhantaali doonta  ku keenayso himiladii uu Xisbiga WADDANI ku hamiyaayay inuu taagero daba la ka helo doorashooyinka soo socda degaankaas, iyadoo hoggaanka Xisbiga WADDANI ay hore ugu carab baabeen qaar kamid ah Siyaasiyiin ka soo jeeda Baligubadle inay kuraasta waa weyn ee Xisbiga wax ka siin doonaan, balse marka lays barbar dhigo saamaynta Xubnahaas iyo mida uu leeyahay Cabdillaahi Darawal waxaa siweyn u muuqanaysa in aanay isu dhawayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here