Daawo Sawirada Isbahaysigii Kulmiye Oo Kulan Ku Yeeshay Caasimada Hargeysa.

0
493

DAAWO Sawirada Isbahaysigii Kulmiye Oo Kulan Ku Yeeshay Caasimada Hargeysa.

siyaasiyiinta isbahaysiga Kulmiye la baxay ayaa kulan balaadhan ku yeeshay magaalada Hargeysakaasi oo ahaa is xogwaraysiga majarahooda mustaqbal iyo muujinta cududooda, maadaama siyaasiyiintaasi wali ku midaysan yihiin qorshihii ay kaga soo horjeesteen shirkii Kulmiye ugu cumaamaday Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici.

Siyaasiyiinta xukumadda iska casilay, taageerayaashooda iyo xildhibaannadooda ayaa dhalliilo ujeediyay hogaanka xisbiga kulmiye , waxayna ku doodeen inay wali yihiin xisbiga Kulmiye, balse aanay ku qanacsanayn aqoonsanayna shirkii golaha dhexe ee Kulmiye.
Waxa xusid mudan inaan kulan uu goobjoog ka ahayn siyaasi cabdicasiis samaale oo isagu hore uga mid ahaa xubihii ugu cadcada xubnahan isbahaysiga la baxay,mana cada inuu mowqifkiisi hore ka noqday iyo ina kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here