Maayarka Burco Waxuu noqday Kii ugu Liitay oo xil ka qabta Magaalada Burco iyo madaxweyne Silanyo shacabka Burco filaayen inu la xisaabtamo ilaa hada kala hadlin lacagti 300.000 Dolar iyo 2000 foosto damurka ahaa la musuqmasaqay

0
632

Gudoomiyaha Degmada Burco Maxamed Muraad ayaa sida Runta waxuu ku dhex Haftay shaqadii loo igmaday taasi oo ay iskugu Biirtay aqoon-daro Sidii ay dadka iyo Xildhibaanada isugu duubanlahayeen , hadalada masuuliyad darada leh , ama Bilicda Qurxoon Ee Oo ay Magaaladu Yeelato Waana Astaanta Lagu Garto Hogaamiyaha Wanaagsan Ee Markaa Loo Doorto inuu Gudoomiyo Golaha Deegaanka ee uu Gobol yahay.

Hadaba Caasimada Togdheer ee Burco Tan iyo Markii Loo Doortay Golaha Cusub Ee Maxamed .Muraad uu Gadhwadeenka Ka ahaa, Waxaa Hoos U dhacday Karaamadii dadka iyo magaalada Burco , xildhiibaanada , Nadaafadii iyo Nidaamkii maamul ee ay Dawlada Hoose lahayd , ha ahaato xaga qaab dhismeed ka shaqo ee ay dawlada hoose leedahay , wada shaqayntii xildhibaanada Golaha Deegaanka loo doortay , oo la yaaban nidaamka hogaanimeed iyo ku milanka siyaasada Xisbiga Kulmiye isagoo gudoomiyaha degmada ku hadlaaya markasta afkooda hadana leh hadal aan umadda u qalmin.

Ilaa maalinti u xilka yimi Mayar Maxamed Murad ilaa iminka cid la xisaabtantay ma jirto

Haday tahay Goolaha Xildhibaanda oo marka qar yidhaahdan halala xisaabtamo uu lacag badan qar sinayo si buuq u sameeyan isagana difaacan .ma jirto dawlad dheexe la Oo la xisaabtantay haday tahay wasardda arimaha gudaha iyo haday tahay odhatka guud .haday hayada la dagalanka iyo musuqmasaaqa. Waxaa dadweynaha Reer Burco indhaha ku hayen in madaxweynaha Somaliland oo hadda ku sugan magalaada Burco uu indhahisa ku arki doono sida uu musuqmasaqay mayarka Burco lacagti300.000 dolar uu safarki hore burco yimi Siyay mayar Maxamed Murad si uu Burco wadooyinka ugu dhiso .iyo 2000 Foosto Damuurka ahaa la amaahiyay la yidhi ku dhis magaalada.

Waxaa kale la filayay in in la badalo Xoghayaha Dawlada Hoose oo mayarka abihi Murad qabo Xoghayaha Walaashi isuna yihin seedi .waana labada xubnood wada sara lacagta ama sharciigu siyay inay wada saxeexan jeega ama lacag kasta oo baxda.

Waana arinta Mayarka uu fuduudaysay inu hantiida umada boobo. Mayar Maxamed Murad hadi madaxweyne Silanyo uu la xasaabtami waayo .oo dib u egi waayo wadooyinki uu lacagta ku bixiyay oo an la dhiisin lacagtiina la cunay .sida wadada October iyo wadada shiine kare oo intu cid dhiigay dib ugu noqon.garoomadi kubada oo lacagtoodi u la baxay .dhiismihi dawalada hoose labadi sano u danbeeyay misaaniyadana ku jirtay oo lala baxay lacagti .

Waxaa shacabka Togdheer isha ku hayan Madaxweyne Silanyo ma la xisaabtami doona Mayarka Burco oo ah ka ugu musuqmasaqa badan dalaka ugu cayda badan

Haddi ay taasi dhiici waydo waaxa masuuliyada kowaad saran tahay Xildhibaanada Goolaha Degaanka Burco iyo Shacabka Burco oo ah kuwa cashurta Bixiya talabada ay qadi lahaayen.

Cali Jamac Farax

calijamacfarax@gmail.commurad 2016

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here