DEG DEG: Dowladda Somaliya Oo Ka Hortimi Go’aankii Gaafow Ku Joojiyey Isku Socodka Somaliland Iyo Somaliya Ee Dhanka Hawada

0
985

Dowladda Somaliya Oo Ka Hortimi Go’aankii Gaafow Ku Joojiyey Isku Socodka Somaliland Iyo Somaliya Ee Dhanka Hawada Xukuumada Soomaaliya ayaa beenisay in la joojinayo duulimaadyadii u dhaxeeyay Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa , waxaana hadalkan uu noqonayaa mid kahor imaanaya go’aan horey uga soo baxay Taliska Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali , ayaa beeniyay in Dowlada Soomaaliya ay joojineyso duulimaadyadii u dhaxeeyay Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Warkaasi lagu sheegay in Duulimaadyada lagu joojinayo uu yahay mid been ah oon kasoo bixin Dowlada, waxa uuna tilmaamay in Go’aankaasi uu yahay mid u gaar ah Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya Jen, Gaafow.

”Ma jiraan wax Duulimaad ah ay Dowlada Soomaaliya hakisay, si caadi ah ayeyna u socon doonaan duulimadayadii u dhaxeeyay Muqdisho iyo Hargeysa, waxaa jira in ay socdaan tabashooyin iyo wadahaalo lagu doonayo in lagu xaliyo cabashooyinka jira ” Ayuu yiri Wasiir Jingili.

Hadalka kasoo baxay Wasiirka ayaa ka hor imaanaya go’aan uu horey u shaaciyya Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Soomaaliya oo tilmaamayay in si KMG ah loo hakinayo duulimaadaydii u dhaxeeay Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here